Wasiirka Khaarajiga Djibouti Oo Ka Hadlay Daynta Shiinuhu Ku Leeyahay Iyo Dareenka Diblomaasiyiinta Maraykanka

0
659
Djibouti Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf (L) shakes hands with his Chinese counterpart Wang Yi during their meeting at the Diaoyutai State Guesthouse in Beijing on February 20, 2019. (Photo by HOW HWEE YOUNG / POOL / AFP) (Photo credit should read HOW HWEE YOUNG/AFP via Getty Images)

Hargeysa(HargeisaPress)-Wargeyska caanka ah ee Washington post oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa shalay qormo dheer ka qoray saamaynta uu dalka Shiinuhu ku yeeshay Afrika, gaar ahaan dalka Djibouti iyo doorkii Maraykanka oo sii laad-laada.

Warbixinta, oo uu diyaariyay Max Bearak wuxuu waraysi kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf, safiir hore oo Maraykan ah, isagoo weriyuhu booqday goobta ay yaalaan khadadka Internetka ee Djibouti oo uu ka mid yahay midka Somaliland.

Warbixinta oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxay u dhignayd sidan “Dhulka guudkiisa, dalkan yar balse istiraajiyad ahaan dhaca meesha muhiimka ah, calaamadaha muujinaya joogitaanka Shiinuhu meel walba way ka muuqdaan.

Shirkadaha Shiinihu waxa ay maalgeliyeen oo ay dhiseen dekedda ugu wayn Afrika, dhabo tareen oo ku xidha Itoobiya iyo saldhigga ciidanka badda ee dalku [Shiinuhu] ku leeyahay dalka debediisa. Badda hoosteeda, waxa ay ka dhisayaan xadhig isaga gudbiya xogta gobolka oo dhan oo ilaa Yemen ilaa Kiiniya ah. xadhiga waxa lagu xidhiidhinayaa xog-kaydshe internet oo ay maamulaan shirkadaha is-gaadhsiinta ee dawladda Shiinuhu leedahay.

Maalgelilnta balaadhan ee Beijing ku samaysay Jibuuti waxa ay tusaale u tahay sida degdegga ah ee Shiinuhu uga helay joogitaan istiraaji ah qaaradda oo dhan. Dalalka Galbeedka, oo ay ku jiraan gumaystayaashii hore, waxa ay tobonaan sanadood u isticmaalayeen xidhmooyin deeqo ah oo buuran inay ku helaan oo dhaafsadaan heshiisyo ganacsi iyo amni, balse mashaariicda Shiinuhu maalgeliyo waxa ay ku keeneen horumar kaabayaasha dhaqaalaha ah oo balaadhan jiil gudihiisa.

Dhismayaasha inta badan waxa lagu sameeyaa lacag dayn ah oo ay bixiyaan bangiyada dawladda Shiinuhu leedahay. Qaarada oo dhan waxa teedsan biraha wadooyinka laamiga ah ee uu dhisay Shiinuhu, oo ay la socdaan buundooyin waawayn, garoonada diyaaradaha oo cusub, biyo xidheeno iyo wershadaha korontada dhaliya, taa oo qayb ka ah qoshaha wadooyinka ee madaxwayna Shiinaha Xi Jinping uu ka wado 152 dal.

Guud ahaan, shirkadaha Shiinuhu waxa ay geliyeen Afrika sanadihii u dhexeeyey 2014 ilaa 2018 lacag laba jeer ka badan ta ay geliyeen shirkadaha Maraykanka, iyaga oo geliyay [shirkadaha Shiinuhu] lacag dhan 72 Bilyan oo Doolar, sida ay sheegtay xarunta daraasaadka ee Ernst and Young.

“Shiinuhu waxa ay ka fekerayaan mudada dheer ee Jibuutiyo iyo Afrika guud ahaan,” ayuu yidh David Shinn, safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Itoobiya oo sidoo kale ahaa lixdanaadkii sarkaalka Wasaaradda Arimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan Jibuuti. “Jibuuti waa guntimo silsilad dhaqaale oo fidsan dhinaca woqooyi ee Badwaynta Hindiya, ka soo bilaw Cambodia ilaa Sri Lanka ilaa Pakistan. Waxa ay leeyihiin qorshe istiraajiyadeed oo baaxad wayn. Inagu ma lih.”

Qorshaha istiraajiyadeed si cad ayuu uga muuqda Jibuuti sababta oo ah halka uu dalku ku yaal oo ah iridka Badda Cas, halkaas oo ilaa 10% oo shidaalka la dhoofiyo iyo 20% alaabta ganacsi ay maraan iyaga oo sii dhexmaraya marin biyoodka dhuban ee xeebta Jibuuti iyaga oo ku sii jeeda ama ka soo socda Kanaalka Suez.

Halka ay ku taal ayaa ka dhigtay meel muhiim u ah xadhigga badda hoostiisa marae ee isaga gudbiya xogta qaaradaha.

Xabiiba Daauud Cumar, oo ah injiner maamusha goobta, oo furaysa albaabka qol yar oo ay yaaliin saddex xog kaydshe, “Waxa aad aragtaa waa dhamaan interneetkii Somaliland.” Qol kale waxa yaal khadka Yemen. 90% interneetka Itoobiya oo aan bad lahayni wuxuu dhex maraa qaybtan.

Joogitaanka Shiinuhu wuxuu debciyay ku tiirsanaantii dalalka Afrika ay ku tiirsanaayeen wadamada Galbeedka marka ay noqoto horumarka.

Daymaha Shiinaha lama socoto dalab ah in la horumariyo xaaladda xuquuqal insaan sida deeeqda Maraykanka oo kale. Wadooyinka dalalka dhexdooda mara ee Shiinuhu dhisay waxa ay abuureen Shiinaha marino lagu gaadho khayraadka macdanaha, suuq balaadhan oo uu geeyo alaabtiisa jaban, iyo taageero uu isku hallayn karoo o uu ka helo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay.

Dadka se dhaliilaa waxa ay sheegayaan in daynta Shiinuhu ay bartilmaameedsato dalal nugul oo  soo koraya dabadeed ay geliso dabin dayn ah kaas oo nuuga  khayraadka dawladda islamarkaana jiilal dhan ku soo dalaca lacagta looga ururinayo daynta la galay. Shiinuhu 70% waxsoosaarka guud ee Jibuuti waxa uu haystaa dan ahaan.

Maamulka Trump ayaa doonaya inuu wax ka qabto saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha isaga oo dabada ka riixay in maalgelin gaar ah oo loo bixiyay Barwaaqo Ka Dhig Afrika loo marinayo.

Dalka Jibuuti xitaa taliyaha Maraykanka ee ciidamada Afrika u jooga ayaa ugu baaqay inay taxadar badan ka yeeshaan macaamilka ay la leeyihin Shiinaha.

Iyada oo dalalka Afrika oo ay ka mid tahay Jibuuti ay ka muujiyaan rajo maalgelinta Maraykanka, Beijing waxa ay lacagta ku shubaysaa halka afkeedu yahay, islamarkaana dalalka lacag la’aantu haysto ee Afrika waxa ay si midaysan ugu jihaysteen dhinaca bari.

“Haa, daynta shiinuhu nagu leeyaha waa 71% waxsoo saarka guud ee dalka, balse waxaanu ugu baahanahay kaabayaasha dhaqaale,” Maxamed Cali Yuusuf, wasiirka arimaha debedda ee Jibuuti ayaa yidh sidan.

“Waa wax dabiici ah inaanu kor u qaadno iskaashiga aanu la leenahay China. Yurub iyo Maraykan midkoodna diyaar uma ahayn inay dhisaan kaabayaasha dhaqaale ee aanu u baahnayn. Waxaanu u wadnaa dalkayaga xagga mustaqbalka, oo waxaanu daryeelaynaa badqabka dadkayaga. Xitaa Maraykanka ayaa Shiinuhu ku leeyahay dayn tiriliyanno ah, waad og tahay adba,” ayuu wasiirku ku daray.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here