Xukuumadda Somaliland Oo Dacwaynaysa Xisbiyadda UCID iyo Waddani

0
817

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa dacwad ka gudbisay masuuliyiin ka tirsan xisbiyadda UCID iyo Waddani oo xukuumadda iyo koox kale ku eedeeyay in ay iibsadeen dhul ku yaalla bariga magaaladda Hargaysa.

Sidaasina waxaa sheegay wasiirka gaadiidka iyo jidadka, maayarka caasimadda Hargaysa iyo taliyaha ciidamadda Asluubta Somaliland oo maanta si wada jir ah shir saxaafadeed ugu qabtay xarunta wasaaradda gaadiidka.

Waxaanay masuuliyiintaasi tilmaameen  in ay maxkamad la tiigsanayaan xubnihii ka kala tirsanaa xisbiyadda UCID iyo Waddani ee xukuumadda ku eedeeyay in ay dhulkaasi iibsatay, isla markaana cadaynta eedahoodda ay maxkamadda iyo xeer ilaalinta ka hor cadayn doonaan.

Dhulkan ay xisbiyadda Waddani iyo UCID ku eedeeyeen in xukuumadu iibisay oo ku yaalla Bariga magaaladda Hargaysa waxaa sheeganaya in dad shacab ah ay leeyihiin, sharciyad na ay u haystaan.

Iyadoo dadkaasi ay ka cabanayaan in xukuumadda iyo koox kaloo ay ku sheegeen Heego ay iibsadeen dhulkaasi.

Dadkaasi shacabka ah ku doodaya in ay dhulkaasi leeyihiin ayaa shalay warbaahinta u soo bandhigay  cabashadda ay arrintaasi ka qabaan, waxaana goobtii ay isugu soo baxeen ugu tegay masuuliyiin ka kala tirsan xisbiyadda UCID iyo Waddani.

Kuwaasoo xukuumadda Somaliland iyo kooxo kale ku eedeeyay in ay dadkaasi shacabka ah dhulkoodii ka qaadanayaan, dhulkaasi na la kala siistay lacag dhan Afar Milyan oo dollar. Lacagtaasina ay ku dhacday Jeebabka dad gaara iyo koox ay ku sheegeen Heego.

Wasiirka Gaadiid iyo Jidadka Somaliland C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa sheegay in xubnihii u hadlayay Waddani iyo UCID looga baahan yahay cadaynta arrintaasi.

Waxaanu yidhi, “Cidii yeedhisay, taliskii ciidanka Asluubta ayaa la iibiyay, oo Afar Milyan oo dollar ayaa la kala siistay. Waxay ka hor cadayn doontaa xeer ilaalinta ama maxkamadda.

Waxaana u taalla Ashkato cad. Iyaga-na waxaa laga rabaa, cidii iibsatay, Heegadii la sheegayay meesha ay marisay, lacagta cida laga siistay, cidii loo dhiibay, cida lacagtii qaadatay, gaarta la kala iibsaday. Wixii macluumaad ah ee ay lahayd, inta ba waa looga baahan yahay”.

Geesta kale maayarka Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa tilmaamay in iyadoo sharciyada loo raacayo ay dacwad ka gudbiyeen labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

“Si sharciga iyo nidaamka loo ilaaliyo, waxaanu xafiiska xeer ilaalinta u gudbin doonaa macluumaadkii ay xisbiyadu kaga hadleen, iyo dacwadda cabashadda ah ee aanu leenahay.

Cayda iyo beenta aan jirin ee ay masuuliyiinta xisbiyadaasi sheegeen, waxay xaqiiqdeedda ka hor sheegi doonaan xeer ilaalinta iyo maxkamadda”ayuu yidhi maayarka Hargaysa.

Dhinaca kale wasiirka gaadiidka iyo maayarka Hargaysa waxay sheegeen in dhulkaasi uu yahay mid ay leedahay dawladdu, isla markaana loo qorsheeyay in laga dhiso xarunta baarlamaanka Somaliland iyo Jeel cusub.

Maayarka Hargaysa oo sharaxaya qorshaha dhulkaasi, waxa uu yidhi “Dhulka waxaa leh dawladda.Halkaasi na, waa dhulkii loogu tallo galay in laga dhiso xarunta baarlamaanka. Qayb ka mida oo saddex Baloog ah waxaa loo qorsheeyay in laga dhiso Jeel.

Sideedda kale na, waxay u yaalaan in laga dhiso xarunta baarlamaanka. Cidii dacwad ka qabtaa na, xafiisyadda ay khusayso ayay u tegaysaa”.

Si kastaba ha ahaatee, dadka shacabka ah ee dhulkan sheeganaya in ay iyagu leeyihiin, waxay ku doodayaan in ay haystaan sharciyo kala duwan oo ay siisay dawladda hoose ee Hargaysa.

Hase yeeshee maayarka Hargaysa ayaa su’aal arrintaa laga waydiiyay kaga jawaabay in cidii cabasho ka qabta ama ku doodaysa in ay dhulkaasi leeyihiin ay tagaan xafiisyadda ay arrintaasi khusayso.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here