Si Xeeggo-na Xeeggo U Ahaato, Labada Doorasho Iyamaa Dib U Dhigis Leh?

0
925
Mohamed Hagi Mohamoud

HargeisaPress —Somaliland doorashooyin waaweyn ayaa ku soo fool leh, laba ka mid ahi waa ay isa saaran yihiin (Madaxtooyo iyo Wakiillo). Isha ay leedahay iyo marka aan wax badan warsadey waxa soo baxaya ifafaale sheegaya in labada doorasho aanney suuro-gal ahayn in ay hal mar wada qabsoomaan. Doorashada Golaha Wakiilladu waxa ay u baahan tahay hawlo farsamo oo aad u ballaadhan.

 

Waxa intaa dheer shuruucdii doorasho iyo in dib loogu heshiiyo saamiga heer gobol iyo degmo oo lagu qaybsanayo 82 xildhibaan kaliya. Arrintani waxa ay u dhawdahay in ay keento dib u dhac doorashada Wakiillada ah. Inkasta oo ay Maxkamadda dastuuriga ahi isa saartey, oo kala qaadisteedu aanney hawl yareyn.

 

Haddii ay isku sii huursanaato wakhtiga oo gurmaya awgii waxa dhici karta in ay sahayato dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada Madaxtooyada oo sawir aad u foolxun u yeeli doonta dimuqraadiyadda iyo hannaanka dawladnimo ee Somaliland. Si ay xeeggo na xeeggo u ahaato, ilka na ku nabad galaan, waxa aan talo ahaan soo jeedin lahaa in saddex mid uun la yeelo:

 

Dib u dhigis doorashada Golaha Wakiillada muddo 6 billood ah oo ka bilaabmaysa 28 March 2017 kuna dhamaaneysa 28 September 2017. Muddadaa 6 billood ah waxa la isku dhaafin lahaa in gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan laga sameeyo tirakoob guud oo xudun u ah saami-qaybsiga deegaannada Somaliland. Si loo qanciyo dhamaan deegaannada saluugsan saamiga dawladnimo ee heer wakiil.

 

Ama in doorashada wakhtigeeda lagu galo iyada oo si guud wax la taaban karo lagu heshiiyo. Iyada oo laga duullayo saami qaybsigii 1960. Isla markaana doorashadan tanaasul weyn ay deegaannadu ka sameeyaan, oo si marka loo eeggo aan suura-gal u ekayn wakhtigan.

 

Ama in la qaato tirakoobkii UNFPA inta Somaliland ka khuseysay, dabadeedna saamiga sidaa lagu qaybsado.

 

Dalku dawladnimadiisu waa nidaam Madaxtooyo, hawlaha dalku halkaa ayey ka kala socdaan, wakiilladu waa sharci dajin, inta badan na dawladda ayaa shuruucda ay sameyso u soo gudbisa. In dawlad cusub la helo dal iyo dadba waa loo baahan yahay, in si aan duruuri ahayn dib loogu dhigaa waa barkumataal iyo in caloosheena hadba ciddi’i ku jabto.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here