Siyaasiyiin Magac Weyn ku dhex-leh Somaliland Oo Caalad Caafimaad-daro Soo Food Saartay & Masuulkii Saddexaad oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cisbitaalka Hargeysa

0
904

Hargeysa, (HargeisaPress) —Cisbitalka guud ee magaalada Hargeysa waxaa xaalad caafimaad loo dhigay wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad)., isla markaana waxa todobaadkii hore sidoo kale xanuun ku soo booday Boobe Yuusuf Ducaale iyo Wasiirkii hore ee Maaliayada Eng. Maxamuud Xaashi Cilmi xaalad caafimaad loo dhigay cisbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo halkaas lagu dabiibayo.

 

Wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad)  ayaa Xaaladiisa Caafimad  lagu tacaalayaa cisbitalka  weyn ee Hargeysa waxaana halkaasi la keenay xalay niskii danbe ka dib markii uu soomay isaga oo xanuunka macaanka la nool waxaana uu xanuunkani ku soo booday markii uu afuray

 

Dhakhaatirta xanuukiisan la taacaleysa ayaa waxaa ay sheegen in uu aad u wanaagsan yahay isla markaana ay ku rajo weyn yahiin in uu si dhakhso ah caafimaafkiisii ugu soo noqon doono.

 

Alleh Ha Caafiyo Siyaasi Abiib Timacad

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here