Shirkad Sifo Aan Lagaranayn Malaayiin Lacaga Uga Faa’iida Kawaanka Xoolaha Hargaysa

0
860

Hargaysa (HP): Shirkad macaash doonka ah ee lagu magacaabo Maandeeq ayaa muddo 16-sanno ah qaab aan la garanayn u maamulaysay dakhli culus oo ka soo gala kawaanka Gowraca xoolaha Magaalada Hargeysa.

Kaasoo Xukuumadda meel weyn ka gufayn, balse aanay dhaadin Xukuumaddii kale dambeeyey ee KULMIYE dhaafta dhaqaale ee Qaranka uga soo xaroon lahayd.

Shirkadda Maandeeq ayaa waxa mashruuca Nadaafadaynta “Hygiene” ee Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Magaalada Hargeysa ku wareejisay Xukuumaddii Daahir Riyaale wakhti ku siman Bishii January 1-deedii 2006-dii.

Taasoo uu door weyn ku lahaa Maayarkii Wakhtigaasi ee Dawladda Hoose Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo la sheego inuu isaga laftiisu ka mid yahay saamilayda Shirkaddan, waxaanay tan iyo wakhtigaasi oo ay hadda kaso wareegtay 16-sanadood si xor ah iskaga manaafacaadsanaysaa dakhliga ka soo gala

Dhan kale kale Shirkaddan ayaa waxay Neefka Geella ah ee lagu qalo Kawaanka ka qaadaa cashuur dhan, 58000-kun oo Shilin Somaliland ah oo nadaafad ah, Neefka Adhiga ahna12000-kun, halka ay Neefka Lo’da ahna ka qaado 33000-kun.

Waxa isku cel-celis ahaan Maalintii Kawaanka Hargeysa lagu qalaa Xoolo isku gayn noqonaya 5000-Neef oo iskugu jira Lo, Adhi iyo Geel, kuwaasi oo ay ka soo xerooto lacag ka badan 12-kun oo dollar.

Taasoo sanadkii Noqonaysa Dakhli ka badan afar Milyan oo dollar, waxaanay lacagtaasi muddo 16-sanno ah sifo aan la garaynayn ugu dhacaysay jeebka Shaqsiyaasi gaar ah oo iska manaafacaadsadda.

Arrimaha Cajiib ah ee ka yaabiyay Ganacsatada Hiliblayaasha Hargeysa ee ay shirkaddani ku arkayayeen muddo dheer ayaa wax ka mid ah inay shirkaddani si toos ah oo aan qarsoodi lahayn ay uga been sheegto tiradda xoolaha maalinlaha ee lagu qalo Kawaanka Hargeysa si ay u lunsato cashuurta yar ee kuwaajibtay inay Dawladda u xerayso.

Waxay si maalinle ah tiradda Xoolaha lagu qalo Kawaanka Xoolaha Hargeysa u gudbiyaan Maayarka Hargeysa, iyagoo si layaab leh tirada Xoolaha u yareeya, tusaale ahaan waxay geella ka dhigaan 7-neef oo qudha halka ay boqolaal Neef oo Geel ah Kawaanka lagu qalo.

Arrintaasi oo bur-bur ku ah nidaamka dakhli ururinta ee Qaranka, iyadoo aanay shirkaddani wax qaliin ah shaqo ku lahayn balse ay mashruuc ku haysato Nadaafadii “Hygiene” Dawladda Hoose qaban jirtay.

Gunaanadkii Dakhli culus ee Xukuumadda kaga laaban,Kawaanka Hargeysa oo ay shirkaddani nadaafadaynteeda gacanta ku hayso,haddii si fiican loo maamulo waxay kafayn kartaa qaybo dhan oo ka mid ah kharashaadka muhiimka ah ee Qaranka.

Gaar ahaan Dawladda hoose ee Hargeysa, madaama oo uu kawaankani yahay il dhaqaale oo aad u mihiim ah, balse hadda ay dheeftaan shaqsiyaad aan ku xisaabtamayn inay maruun la kulmi doonaan la xisaabtan dawladeed.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here