Maxkamadda Gobolka Sool Oo Xukunno Ku Riday Dad Khamri Ka Ganacsanayay

0
628

Laascaanood (HP): Maxkamadda gobolka Sool ayaa maanta xukunno isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed iyo gaadiidkii ay wateen-ba ku riday dad si sharci daro ah dalka u soo galiyay maandooriyaha Khamriga.

Khamrigaasi  oo ka koobnaa 285 Quraarradood ayaa shalay lagu hor bur-buriyay afaafka hore ee maxkamada gobolka Sool.

Kaasoo lagu soo qabtay hawl-gallo ay dhawaan sameeyeen  ciidamadda booliska gobolka Sool, isla markaana laga soo qabtay meello kala duwan.

Iyadoo dadkii watay qaarkoodna ay baxsadeen, halka qaarna la soo qabtay oo maanta ay maxkamadu xukunno ku riday.

Waxaana bur-burinta Khamrigaas goob joog ka ahaa maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood iyo masuuliyiinta maxkamadda gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa goobta joogay taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Goono.

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa  ciidanka Booliska ku bogaadiyey dedaalada ay gobolkaas ka wadaan iyo sida ay ula dagaalamayaan mukhaadaraadka sida sharci darada ah dalka loo soo galinayo.

C/qani Maxamuud Jiidhe,  ayaa digniin u diray dadka isku daya in ay Khamriga soo geliyaan gobolka Sool. Waxaanu yidhi,  “Waan bogaadinaynaa hawl-galada ay sameeyeen ciidanka boolisku.

Dadka ka gacansadda mukhadaraadka ee raba inay soo galiyaan gobolka Sool, waxaan leenahay cidii lagu qabto sharciga uun baa lala tiigsan doonaa. Waxaana laga qaadi doonaaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

Waxa kaloo badhasaabku sheegay in Khamrigu uu yahay hooyadda xumaanta oo dhan, sidaas darteedna ay xaaraan tahay ka ganacsigiisu.

“Khamrigu waa hooyadda wax kastoo xun. Dadweynaha iyo ragga ka ganacsatadda Khamriga waxaan leeyahay ILLAAHAY SWT ka yaaba, oo bahalkaa iska daaya. ILLAAHAY baa xaaraantinimeeyay.

Waxaa lagu jiraa bil Ramadaan. Bisha Ramadaan wixii denbi ah ee dhaca, waa la laban-laabaa, sida khayrkaba loo laban-laabo” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, Maxkamadda waan u mahad celinayaa, sidoo kale ciidamadda booliska, oo si adag ula dagaalamay Khamrigan, soona qabtay, oo meello fara badan ka soo kala ururiyay, waan u mahad celinayaa”.

Maayarka degmada Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyay ciidamadda booliska sida wanaagsan ee ay uga hawl-galeen soo qabashadda Khamriga.

Waxaanu ugu baaqay dadka Khamriga soo gelinaya dalka in ay iska daayaan, maadaama oo lagu jiro bil Ramadaan. “Waan u mahad naqayaa taliyaha qaybta booliska gobolka Sool iyo dhamaanba ciidamadda booliska.

Waxaanan leeyahay hawl wacan baad qabateen. Iyadoo lagu jirro wakhtigii loo baahnaa oo Ramadaan ah in lala dagaalamo Khamriga.

Dadka Khamriga soo qaadaya waxaan leeyahay ILLAAHAY SWT ka baqa oo iska daaya”ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Geesta kale garsooraha dacwadaas ka garnaqayay ayaa sheegay in dadkii watay Khamrigaasi iyo gaadiidkii ay wateen-ba lagu xukumay xadhig iyo ganaax lacageed.

Waxaanu garsooruhu fariin digniin ah u ddiray dadka ku hawlan soo gelinta Khamriga ee dalka,  isagoo-na sheegay in cidii lagu soo qabto ay maxkamaduhu ku xukumi doonaan dambiga lagu helo.

Dhinaca kale waxa halkaas ka hadlay taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Goono, waxaanu uga digay dadka isku daya in ay Khamri soo geliyaan gobolka in ciidamadu ay kaga soo qabanayaan meel kastoo ay ku arkaan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here