Shirka Ansixinta Hagaha Maamul-daadejinta Adeegyada Bulshada Ee JPLG oo Furmay

0
550

Hargeysa (Hargeisa Press) – Shirka ansixinta hagaha maamul daadejinta Adeegyada Bulshada ee (Service Delivery Model: SDM manual) ee mashruuca maamul Daadejinta JPLG, ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, waxaa ka soo qayb galay Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka, masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka ee 6 da Gobolka iyo Degmooyinkooda iyo Maamulaha dowladda Hoose ee 8 degmo ee mashruuca Maamul Daadejintu ka socoto.

Shirkan, ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa-guray kor u qaadista Waxbarashada iyo Caafimaadka ee mashruuca maamul Daadejinta ee JPLG.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo furay shirka, ayaa waxaa uu si qoto dheer uga waramay muhiimadda shirkan, isagoo sheegay muhiimada ay bulshada u leeyihiin Waxbarashada iyo Caafimaadku.

Agaasime Maxamed Yuusuf oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mashruucani noqon doono mid sii socda oo is ku filan.

Waxaa kale oo isna shirkan hadal ka jeediyay Agaasimaha guud ee wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye, isagoo bogaadiyay Hagaha loo samaynayo Maamul daadajinta adeegbixinta, mashruucan oo ahaa mid mudooyinkii u dambeeyay soo socday.

Mashruucan, ayuu agaasimuhu sheegay inuu waxka tari doono Qorshayaasha kala duwan ee wasaaraddaha, dowladaha hoose iyo hay’addaha la shaqeeya, sidii ay mar qudha iskula jaanqaadi lahaayeen horana loogu socon lahaa, iyadoo ay qolo kastaa taqaano waajibaadkeeda iyo waxyaabaha looga baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here