Xisbiga Waddani oo Shaaciyay Tallaabada Ay Qaadayaan Berrito

0
1678

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa waxaa uu shaaciyay tallaabada ay qaadayaan berrito oo ku began 13 November, oo ah maalintii uu dhamaanayay 5-tii sanno ee la doortay Madaxweyne Biixi, taasi oo ay mucaaradku sheegeen in aanay aqoonsan doonin sharcinimada xukuumadda.

Xoghayaha arrimaha Guddaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi, ayaa sheegay in berri aanay dhici doonin balaayo laga cabsado, laakiin ay balanqaad yadoodii hore ka dhabayn doonaan.

Waxa uu sheegay in shacabka ay nolol u raadinayaan, lakiin aanay rajo la’aan galinayn “Xisbiyadu shacabka Somaliland rajo nololeed ayay u raadinayaane iyaga quus nolosha kama galinayaan, markaa barina waad arki doontaa wixii soo baxa”.

Xoghayaha, ayaa waxaa uu sheegay in aanu wax rajo ah ka qabin wadahadalo mar kale u furma madaxweyne Biixi iyo axsaabta mucaaradka ah, isaga oo sheegay in madaxweynuhu ergooyinkii horeba ka gows adaygay.

Maalinta berri ee 13 November, ayaa waxa dhamaanaya 5-tii sanno ee la doortay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in aanay aqoonsan doonin sharcinimada xukuumada berri laga bilaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here