Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada oo Dalab-hordhigay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa

0
907

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyada ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta kulan xogwaraysi ah la yeesheen Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood iyo Madaxda kale ee wakaalada biyaha.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiillada, ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee golaha Wakiillada Cabdiràshiid Cagoweyne, waxaana ku wehelinayay Xildhibaano ka tirsan guddi hoosaadka guddigaasi.

Sidoo kale, maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, ayaa waxaa kulankan ku wehelinayay masuuliyiinta kala duwan ee wakaalada biyaha.

Kulankan oo saacado badan qaatay, ayaa guddigu waxaa ay Maareeyaha weydiiyeen su’aalo kala duwan oo la xidhiidha miisaaniyada iyo wax soo saarka wakaalada.

Maareeyaha, ayaa faahfaahin ka bixiyey odoroska Miisaaniyada Wakaalada ee 2023, meelaha Dakhligu ka soo baxo, kharash garayntooda iyo qorshaha horrumarinta ee miisaaniyada ku jira.

Guddiga dhaqaalaha ee golaha Wakiillada, ayaa waxaa ay maareeyaha ka dalbadeen faahfaahin iyo xog dheeriya, si ay faham intan ka badan uga helaan odoroska miisaaniyada oo qoraal ahaan iyo farsmo ahaan qaladaad ku jiro.

Si kastaba, maaha masuulkii ugu horeeyay ee guddiga dhaqaalahu u yeedhaan, iyadoo sidan oo kale ay ugu yeedheen masuuliyiinta kala duwan ee hay’addaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here