Samaale iyo Abiib Timacad Oo Ka Soo Laabtay Socdaal Xukumaddu Indho Feejigan Ku Haysay

0
1002

Hargeysa, (HargeisaPress) — Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur (Timacad) ayaa toddobaadkan dalka ku soo laabtay ka dib markii ay muddo laba bilood ku siman safar ugu maqnaayeen wadamada Kenya, Sucuudiga iyo Djibouti.

Labadan siyaasi oo hore iskaga casilay xilalkii wasiirnimo ee ay ka hayeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa safaro shakhsi ah balse lagu fasiray kuwo siyaasadeed ugu maqnaa dibadda, iyagoo magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya kulamo kula yeeshay diblomaasiyiinta beesha caalamka ee danaysa arrimaha Somaliland kuwaas oo taageero weyn ka gaysta Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.

Waxaanay xukuumaddu socdaalada labadan siyaasi ku haysay indho feejigan, mana jiraan warar rasmi ah oo laga helay socdaaladooda marka laga reebo warbixino kooban oo ay warbaahintu ka qortay.

Labadan siyaasi inkastoo ay xukuumadda iska casileen, haddana waxa ay labadoouba weli ka tirsanyihiin xisbiga KULMIYE.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here