Cilmi-baadhis: Lo’da Gallayda Cunta oo Laga Helo Caano iyo Subag Caafimaad Badan

0
1463

HargeisaPress —Lo’da la quudiyo gallayda ama arabikhida (maize) iyo midhaha geed la yidhaa linseed, ayaa la ogaaday in laga helo subag iyo caano caafimaad qaba oo waxtar weyn u yeesha caafimaadka dadka.

Cilmi-baadhis cusub oo la soo saaray, ayaa lagu ogaaday in haddii lo’da cawska ay cunaan loogu beddelo arabikhida balkeeda ay hoos-u-dhigayso 6% xaddiga duxda ah ee ku jirta caanaha, taasina ay faa’iido caafimaad u tahay dadka caanaha lo’da isticmaala, iyagoo khubaradu ku sheegay daraasaddooda in haddii si fiican lo’da loo siiyo galayda lagu soo saari karo caanno caafimaad fiican leh oo aan dadka dhibaato u keenin, halka cilmi-baadhis hore sheegtay in borotiino laga helo caanaha ay door muhiim ah ka ciyaaraan hoos-u-dhiga dhiig-karka iyo wadno-xannuunka.

Saynisyahannadan waxay aaminsan yihiin in caanaha laga yareeyo duxda, korna loo qaado xaddiga booratiinka ah ee ku jira ay caawiso amma ka qaybqaadato in caanuhu noqdaan qaar caafimaad laga helo oo hoos u dhiga wadne xannuunka iyo cudurrada kale ee la hal maala ee dhiig-karku ugu horreeyo.

loda-gallayda-cunta
loda-gallayda-cunta

Caanaha waqtiyadan la soo saaro, ayaa ah qaar duxdu ku badan tahay, isla markaana ku lammaan yihiin xannuunada wadnaha ku dhaca, taasoo macnaheedu tahay in aanay booratiin badan lahayn.

Daraasaddan cusub oo ay soo saartay Jaamacadda University of Reading, ayaa waqtigan la rajaynayaa in laga faa’iidaysto habka cusub ay sheegeen in caanaha iyo subaga lo’da laga helo loogu beddelo karo qaar aan waxyeello lahayn.

Prof. Ian Grivens oo ah khabiir nafaqada cuntada ku takhasusay oo jaamcaaddan ka tirsan, shaqadan hoggaaminayey ayaa tilmaamay in soo saarista caanuhu ka mid yihiin waxyaabaha dunida ku badiya duxda, “Caanuhu waxay leeyihiin duxban, balse faa’iido badana way ku jirtaa, sidaa darteed waxaan u baahanahay in duxdaas ribban loo beddelo hab lagu yaraynayo oo lagaga dhigayo caanaha qaar duxdu ku yar tahay si aanay dhibaato u sababin,” ayuu yidhi Prof. Ian.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here