Safiirka Wareegga ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Oo Hambalyo U Diray Shirka Nabada ee Coodanle

0
1087

Waxaan Hamblayo kal iyo laab ah u dirayaa Dhamaan Salaadiinta, Garaadada, Boqorrada, Cuqaasha, Nabadoonada, Culimada, Waxgaradka, Odayaasha, Dhalinyarada, iyo Cid kasta oo gacan ka geysatay Xukuumad iyo Shacaba Shirka Nabada ee Maanta lagu soo Afmeeray Deegaanka Coodanle ee beryahanba halkaas ka socday ee mamanta lagu soo afjaray Colaadii Madhalayska ahayd ee Murugada badnayd ee u dhaxaysay beelaha Walaalaha ah ee halkaasi wada dega. Waxa Shirkani uu ahaa mid qabsoomay xilli loo baahnaa oo ay dadka Walaalaha ah ee halkaas deggani ay garawsadeen in Colaada uu Wiil ku dhinto ee aan Wiil ku dhalan.

Waxa ay Beelahaas Walaalaha ahi ay garteen inaan loo baahnayn Hooyo danbe iyo Aabbo danbe oo Ilmihiisa ku waaya Colaad madhalays ah, waxay garawsadeen in aan loo baahnayn Hooyo Danbe oo Weer iyo Hengal xidhata oo Ninkeeda ku weyda Colaad sokeeye, waxay garawsadeen in aan qofna Dhulkiisa laga qaadi karin oo uu qof waliba ku noolaan doono dhulkii uu Allah ku abuuray si kasta oo la isu dilo iyo si kasta oo loo kala xoog roonaado, waxa uu caqligoodu tusay in aan qofna Hal talaabo dhulkiisa ama deegaankiisa aan laga riixi karin Colaad kasta oo dabodheeraata. Waxay fahmeen in Qof kasta iyo Beel kasta ay dantu ugu jirto inay Nabad ku wada Noolaadaan oo ay soo Nooleeyaan soona Celiyaan Walaalnimadii, Tolniimadii, Xididnimadii iyo Xidhiidhkii Bulsho ee Dahabiga ahaa ee waligood ka dhaxayn jiray Beelahaas Walaalaha ah.

Safiirka Wareegga ee Somaliland Mr Kaysar Cabdilaahi
Safiirka Wareegga ee Somaliland Mr Kaysar Cabdilaahi

 

Waxaan Hambalyo iyo Ducaba u dirayaa dadkii Khayrka qabay ee Shirkan soo abaabulay ee habeen iyo maalinba usoo jeediyay sidii Nabad waarta looga dhex dhalin lahaa Beelahaas Walaalaha ah ee uu Allah meesha ku wada abuuray. Waxaa Waajib ku ah dhamaanteen inaynu Nabadaas taageerno oo aynu si wada jir ah uga soo horjeesano cid kasta oo Nabada dhaawacaysa.

 

 

 

Nabad La’aani waa Nolol La’aan

Waad Mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here