Roobab Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Magaalada Burco Iyo Qaar Ka Mida Deegaanada Hoos Yimaada Oo Rooban + SAWIRRO

0
845

Burco , (HargeisaPress) —Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Ayaa Waxaa Habeenkii Xalay Ka Da,ay Roobab Ma Hiigaan Ah Kuwaas Oo Ay Dadka Iyo Duunyada Ku Nool Gobolka Togdheer Ay Ku Qabawsadeen Balse Daadadkii Ku Soo Rogmaday Gudaha Magaalada Burco Ayaa Buux Dhaafiyay Dariiqyada Iyo Goobaha Ganacsiga Iyada oo la waayay meel loo maro goobaha laga dukaamaysto waxaanay arintaasi ka danbaysay ka dib markii moosaskii Ka Difaaci Jiray Biyaha Magaalada Burco Ay Noqdeen Kuwa Ka Baxay Meeshii Isla Markaana Daadadku Si Dhib Yar Ugu Soo Rogmadaan Gudaha Magaalada Welina Aanay Waxba Ka Qaban Dawlada Hoose Ee Magaalada Burco

roobabaa

Dawlada Hoose Ee Magaalada Burco Ayaa Iyagu Shaqadii Ay U Hayeen Bulshada Kaga Mashquulay Dano Siyaasadeed Iyo Is Qab Qabsi Aanay Dani Ugu Jirin Dadweynaha Iyo Shacabka Iyagu U Igmaday Inay Noqdaan Kuwa U Adeega Bulshada

 

Inkasta Oo Ay Jiraan Mashaariic Iyo Horumar La Taaban Karo Oo Dawlada Hoose Ee Magaalada Burco Ka Hirgelisay Guud Ahaanba Gobolka Ayaa Hadana Waxaa Jira Meelo Badan Oo Muhiim Shacabka Kuwaas Oo Ay Dawlada Hoose Ku Fashilantay Sidii Ay Wax Uga Qaban Lahayd

robab

​Iyada Oo Aynu Ognahay Inay Dalka Somaliland Guud Ahaanba Galay Xili Roobaadyo Hadana Waxaa Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Buux Dhaafiyay Qashin Baahsan Kaas Oo Ay Ka Dhalan Karaan Cuduro Ka Dilaaca Gobolka Waxaana Magalada Soo Food Saartay Xaalad Caafimaad Daro Kadib Markii Roobku Helay Iyada Oo Aan Magaalada Laga Gurin Qashinka

 

Waxaana Sida Ka Muuqata Sawiradan Aad Ku Arkaysaa Biyaha Oo Si Xawli Ah U Duulaya Isla Markaana Ay Dul Heehaabayaan Qashin Iyo Baco Kuwaas Oo Ku Tusaya Sida Ay Dawlada Hoose U Dayacday Isla Markaana Aanay Xil Weyn Iska Saarin Inay Magaalada Ka Nadiifiso Qashinka

robaba

Saaka Salaadii Hore Ayaa Qaybo Ka Mida Loo Soo Diray Cagaf Cagafyo Iyagu Biyaha Ka Hor Dhaqaajiya Goobaha Ganacsiga Si Ay Ukala Socdaan Biyahan Faraha Badan Ee Dhex Fadhiya Gudaha Magaalada Waxaanay Cagaf Cagfyada Dawlada Hoose Saaka Olole Ku Qaadeen Sidii Ay Biyaha Uga Sii Dayn Lahaayeen Jidadka Halbawlaha U Ah Ee Ay Camireen Biyahu.

 

Balse Ma Jiro Qorshe Cad Oo Ilaayo Hada Ay La Timi Dawlada Hoose Kuwaas Oo Lagu Xakamaynaayo Daadadka Ku Soo Fatahaaya Magaalada

 

​Balse Shacabka Ku Nool Gobolkan Togdheer Ayaa Iyagu Si Weyn U Tabaaya Habaynta Jidadka Iyada Oo Aan Marka La Dhisaayo Laga Fekerin In Loo Sameeyo Marin Biyoodyo, Balse Noqday Meel Banaan Oo Intaa Laga Xaadho Lagu Qubo Jay Iyo Daamur Hadhawna Ay Si Dhib Yar U Qaadaan Biyaha Iyo Daadadka Soo Rogmanaaya.

 

 

Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin HargeisaPress — Burco

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here