Toronto, (HargeisaPress) โ Maxamed Cismaan Adan ayaa sheegay inay muujinayso ehelnimada iyo wax-isu-ahaanshaha tacsidii guud ahaan ummadu ka bixisay geeridii marxuum Maxamuudย Caydiid Raage, si weyn uga mahadcelinayaan dhamaan qoyska Caydiid Lafcambe.
Dhambaal mahadnaq la xidhiidha tacsidii bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan ummadu ka bixisay geeridii marxuum Maxamuud Lafcambe, oo qoyska Caydiid Lafcambe soo saareen ayaa lagu sheegay in bulshadu muujisay sida jidhkeenu isugu damqado.
Maxamed Cismaan (Indhoole) oo afkooda ku hadlayey dhamaan qoyskaย Reer Lafcambe ayaa yidhi,
โDhamaan qoyska reer Caydiid Lafcambe, waxay u mahadnaqayaan, qoyskii, asxaabtii noo yimi, ama naga tacsiyadeeyey geeridii marxuum Maxamuud Caydiid Lafcambe, waxaan leenahay Ilaahay ha idinka abaalmariyo, aad baan idiinka mahadnaqaynaa.
Maxamed Cismaan ayaa sheegay in tacsidaa ummadu u soo dirtay muujinayso wax-isu-ahaanshaha, waxaanu yidhi, โWaxaad muujiseen
Wax-isu-ahaanteena, waxaad muujiseen sidaan wax u wada leenahay, waxaad muujiseen sida jidhkeenu isugu xidhan yahay, waxaan leenahay, mar kale, ilaahay ha idinka jasaaโI siiyo.
Dhambaalkan ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib, markii marxuum Maxamuud Caydiid Lafcambe, oo aaskiisa ka soo qeybgaleen boqolaal dad isugu jira, qoyskiisa, ehelkii iyo asxaab isaga kala yimi dunida dacaladeeda lagu aasay dalka magaalada Toronto ee dalka Kanada.
HargeisaPress News Desk โ Hargeysa