Roob Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Badan Sababay Oo Galabta Ka Da’ay Hargaysa + Magacyadda Dadka Dhintay iyo Kuwa Dhaawaca Ah

0
954

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa maanta magaalada hargeysa ka da’ay roob mahiigan ah oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.Waxaana roobkani uu da’ay galinkii danbe ee maanta inyar uun ka hor xiligii afurta,roobka oo watay dabayl iyo calaydh ayaa waxa uu sababay khasaare naf iyo maalba leh.

 

Roobka oo da’ayay muddo ku dhaw sodon daqiiqo ayaa ahaa mid dabaylo watay, dabaylahaasi oo sababay in dhirta waaweyn ee magaaladu ay soo dhacaan iyo guryo badan oo ay dabayshu jiingadda ka qaaday iyo sidoo kale biraha korontadda oo soo daatay.

5-5-740x555

Waxa kale oo dadka dhibaatadda u gaystay taawaradda ay isticmaalaan shirkadaha is-gaadhsiinta ee magaaladda gudaheeda oo qaarkood ay dabayshu soo riday.

 

Sidoo kale wadooyin badan ayay daadadkii roobku jareen, waxaana caawa bilaa koronto ah inta badan magaaladda Hargaysa, taasi oo ay sababtay biraha korontadda ee dabayshu soo riday.

 

Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa ayaa la sheegay in la soo gaadhsiiyay dad badan oo dhaawac ah.

Waxaana la filayaa in tiradda dhimashadda iyo dhaawaca iyo khasaaraha kale ee uu roobku sababay in ay intaasi ka sii badato.

7-4-740x416

Magacyadda dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay roobkaasi ee la soo gaadhsiiyay cusbitaalka guud Hargaysa, waxay kala yihiin sidan:

 

1: Samiira Jaamac Xasan ( Dhaawac)

2:Samiira Cabdi Muxumed (Dhaawac)

3:Maxamed Yuusuf Aadan (Dhaawac)

4:Maxamed Cabdilaahi Bureed(DHawaac)

5:Jaamac Cabdi Maxamed (Dhaawac)

6:Cabdiraxmaan Xasan Khaliif (Dhawaac)

7:Siraad Cali Cabdi (Dhawaac):

8:Mahad Mawliid Cige( Dhaawac)

9: Mustafe Nuur Axmed (Dhaawac )

10: Xariir Nuur Axmed (Dhawaac)

11: Siraad Cali Cabdi (Dhaawac)

12: Marxuum Faysal Ishaar Cumar (Dhimasho )

13:Marxuumad Haweenay aaan Magaceeda La Shaacin (Dhimasho)

14:Axmed Yuusuf Xasan (Dhaawac)

15:Sidiiq Xuseen Nuur(Dhaawac)

16:Canab Cismaan Cabdi (Dhawaac)

17:Jawaahir Cabdi Muuse (Dhawaac)

18:Kawsar Maxamed Aamiin (Dhawaac)

19: Xaliimo Suudi Aadan (Dhawaac)

20: Marxuum Salaad Geelle (Dhimasho )

 

Dhinaca kale waxa jira dad kale oo dhaawac ah oo la sheegay in la geeyey Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay ee magalaada Hargeysa kuwaas oo aanay noo suurto gelin in aan helno tiradooda iyo Magacyadooda.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here