Ramadaanta UK Iyo Khalkhal Gelinta Cibaadada! Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
1034

Sidii caadada u ahayd kuwa Raaligelinta Allah ka door biday Raaligelinta Aadame la mid ah, kuwa geedka dheer iyo geedka gaabanba u fuula inay bahdilaan Muslimiinta oo ay had iyo goor Tashuush ku furaan Cibaadada Eebbe, ayaa Waxaa yaab ah in Kooxda Lagu magacaabo Quilliam Foundation ay soo jeediyaan in aynu yarayno Xiliga ama saacadaha ay soomayaan Dadka UK ku Nool oo laga yaabo Inay noqoto 19 saacadood oo soon ah.

Photo by: BBC NEWS

Waxaa Muhiim ah in la ogaado in Cibaadada Eebbe ay Tahay Waajib aanay Ganacsi Ka deyi kerin Laguna Raali gelin karin cid Aan ahayn Allaha ina Abuuray. Qofkii aan awoodi karin inuu soomo saacadahaas dhaadheer xag Caafimaad Waxa uu Allah u fududeeday inuu raaco Sida Diintu Tilmaantay.

Fadlan ka Digtoonaada in Diintiina iyo Cibaadadiina In Shaki la geliyo, kuna xidhnaada Culimada Saxda ah ee Diinteena oo iyaga Talo ka raadsada.

Allah ha inaga dhigo kuwii uu siiyo Khayrka Bisha Barakaysan ee Rabadaan oo uu inaga dhigo kuwii uu u danbi dhaafo. Aamiin.

 

Waad Mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here