Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Kana Warbixiyay Waxa Uga Qabsoomay Socdaalkii Dubai + SAWIRRO

0
885

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaayo, iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa dalka Imaaraadka carabta ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta

????????????????????????????????????

Madaxweynaha iyo weftigii la socday markii ay soo cago dhigteen garoonta diyaaradaha ee        Egal International Airport waxa si weyn ugu soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Saylici, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, Wasiiro, Xildhibaanada labada Golle, Sulaadiin, Cuqaal, shacbi badan oo kale.

????????????????????????????????????

Ugu horayna waxa uu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay, cutubyo ka mida ciidamada qaranka, isaga oo madaxweynuhu uga soo gudbay qolka nasashada ee madaarka, ka dibna waxa uu xog waran ka siiyey saxaafadii ku sugnayd halkaasi nuxurka uu daarnaa Safarkooda oo qaatay muddo 8 maalmood ah.

????????????????????????????????????

DSC_0076

Ugu danbayna waxa madaxweynaha loo soo gelbiyey dhinaca madaxtooyada iyadoo ay qaybaha bulshada inteeda kale oo dhinacyo tubnaa wadooyinka waa weyn ee caasimada madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey sacab, iyo caleemo qoyan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here