Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Baaq U Diray Culimada

0
979

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maayarka Caasimadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa ugu baaqay Culimada reer Hargeysa inay maalinta Khamiista ee todddobaadkan shir isugu yimaadaan kaas oo lagaga tashanayo sidii deyr loogu sameyn lahaa Dhul dhowaan ay golaha Deegaanka Hargeysa u asteeyeen inay noqdaan Xambaalo.

Qoraal uu Maayarka Hargeysa ku faafiyay boggiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in Masuuliyaddooda ay tahay in la helo dhul laga dhigo Xabaalo, sidaas darteedna aan loo baahnayn dhul cusub oo loo iibiyo sidii ay Xabaalo u noqon lahaayeen, waxaanu qoraalka Maayarka oo dhamaystiran u qornaa sidan:

“Masuuliyadda xabaalaha waxaa iskaleh golaha deegaanka oo aan anigu hormood u ahay, waxaananu u astaynay Dhul, sidaas darteed Culimadda waxaan ka codsanayaa in ay shir isugu yimaadaan maalinta Khamiista 9:30 subaxnimo, hadii Alle yidhaahdo, si aynu uga wada hadalno calaamadintooda, cidii dhaqaale u haysaana dayr sidii loogu samayn lahaa, maanta uma baahna dhul loo iibiyo oo golaha deegaanka Hargeysa, ayaa u haya dhulkii.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here