Ra’iisul Wasaare ku-xigeeka Soomaaliya Oo la Kulmay Madaxweynaha Djibouti + SAWIRRO

0
929

Djibouti, (HargeisaPress) —Ra’iisul wasaare ku-xigeeka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa xarunta madaxtooyada waddanka Djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Djibouti, C/qaadir Kaamil Maxamed.

Kulankan ayaa waxaa ra’iisul wasaare ku xigeenka ku wehliyay wasiirro ka mid ah kuwa xukuumadda Somalia oo uu ka mid yahay, wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, iyadoo looga hadlay kulanka xiriirka labada dal ee Somalia iyo Djibouti.

geelle-carte-1

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeeka ayaa soo dhameystay howlo caafimaad oo u joogay Turkiga, kaddib markii uu dhaawac culus kasoo gaaray Qaraxii 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

geelle-carte-3

Maxamed Cumar Carte ayaa madaxweyne Geelle uga mahad-celiyay dadaalkiisa uu had iyo jeer ku taageerayo Somalia; isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan hilmaami doonin garab-istaaggiisa.

Ugu dabmeyn, Carte ayaa la filayaa inuu dhawaan Muqdisho kusoo laabto si uu howlihiisa u sii wato, isagoo dhowr bilood caafimaad ahaan ugu maqnaa waddanka Turkiga.

 

geelle-carte-5

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here