Somaliland: Guddida Dhaqaalaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda Oo Kulan Yeeshay

0
778

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddida Aqalka Wakiilada Somaliland u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ay weheliyaan wasiiru dawlaha wasaaradda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda. Kulanka ayaa ujeedadiisa lagu koobay isbarasho iyo in laga wada hadlo wada shaqaynta labada dhinac.

 

Gudoomiyaha guddida dhaqaalaha Xildhibaan Cumar Sanweyne, ayaa si kooban u sharaxay ujeedka kulankan “Kulankani Waxaa Uu Ahaa  Sidii Ay Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo Ah Wasiir Ku Cusub Wasarada Maaliyada Ay Wada Shaqeyn Wanaagsan U Yeelan Lahayeen Iyo  Sidoo Kale Kulan Is Barasho” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Guddida dhaqaaluhu.

 

Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa dhankeeda ka hadashay waxyaabaha kulanka lagaga wada hadlay “ Runtii kulankani waxaa uu ahaa kulan faa’iido badan leh waayo waxaanu ka faa’iid-nay waxyaabo badan oo ay inagala shaqeyn karaan Guddidu,  imika waxaanu wadnaa cashuurihii barriga, waxaanu isku af garanay in ay nala shaqeeyan, dadkana ay ka dhaadhiciyaan in ay cashuurta bixiyaan. waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay xeerar aanu soo wadno in ay qeyb weyn ka qaatan oo ay nagala shaqeeyan markaa runtii kulankan is faham iyo faa’iido badan ayaanu ka helnay “  ayay tidhi Marwo Samsam.

 

Kulanka Guddida dhaqaalaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa imanaya iyadoo wasaaradda Maaliyaddu dalka ka wado cashuur Ururin balaadhan, sidoo kalena dhintay Kharashaadka hay’addaha dawladda oo Wasiirku ku macnaysay in Hay’ad walba laga jaray kharashaadka ku bixi jiray waxbaaha aan muhiimka ahayn.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here