Qodobada Halista Ah Ee Ku Jira Heshiiskii Soomaaliya La Gashay Imaaraadka

0
797

Muqdisho (Hargeisa Press)- Xiisad xooggan, ayaa ka taagan Soomaaliya, kadib markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiiska iskaashiga milateri ee ay la gashay Imaaraadka Carabta bishii February 2023.

Xildhibaanada Soomaaliya, ayaa shaaciyay in heshiiska uu ka hor-imanayo madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Soomaaliya, ayaa ansixiyay heshiiska, waxaana Imaaraadka Carabta ay Muqdisho ku soo celiyeen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayay Uganda, iyaga oo bixinaya mushaharkooda, si ay u sugaan amniga Muqdisho.

Bil kadib milateriga Imaaraadka, ayaa billaabay inay saldhig cusub oo ay iyagu maamulaan ka dhisaan maamulka Jubaland.

Iyada oo ay jiraan arrimahan, xildhibaanada qaar ayaa rumeysan in heshiiska uu xadkiisa ka baxay.

Maxay yihiin qodobada halista ah ee ku jira heshiiska?

Heshiiska, ayaa Imaaraadka Carabta sharciyad u siinaya “inay howlgallo milateri iyo amni, oo ay ku jiraan dhul, bad iyo cir ka fulin karaan Soomaaliya, haddii ay u arkaan kuwa loo baahan yahay.

Heshiiska, ayaa sidoo kale Abu Dhabi “U ogolaanaya inay isticmaasho” dhulka Soomaaliya.

Imaaraadku “Waxa uu xaq u leeyahay in uu isticmaalo dekedaha dhulka, dekedaha badda iyo garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya,” kana samaysato saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato, ayaa ku qoran heshiiska.

Qodobka ugu culus, muranka badanna dhaliyey ayaa si kastaba ah, in heshiiska uu xasaanad buuxda siinayo milateriga Imaaraadka, taasi oo dad badan ka cadhaysiisay.

“Dhammaan dadka ku hoos shaqeeya heshiiskan waa in la siiyaa ilaalin iyo xasaanad ka dhan ah dacwad kasta oo caalami, sharci ama maamul ah, gudaha Soomaaliya,” ayaa lagu qoray heshiiska.

Waxa uu intaas ku darayaa “Shaqsiyaadka ku hoos shaqaynaya heshiiskan laguma soo oogi karo hab-raac heer qaran ama caalami ah ama dacwad ama xukun ku dabaqid iyaga ka dhan ah,” gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro dhaqan-gelinta heshiiska.

Heshiiska ayaan weli la horgeyn baarlamanka Soomaaliya, waxaana la sheegay in Maamulka Xasan Sheekh ayna sidaas damacsanayn.

Waxaa sidoo kale jirta in Soomaaliya ay heshiis milateri oo kale oo kan la mid ah ay la gashay Turkiga, kaasi oo ay meel mariyeen golaha Wasiirada, baarlamanka, islamarkaana uu saxeexay Xasan Sheekh.

Xidhiidhka Muqdisho iyo Abu Dhabi, ayaa hadda sii xumaanaya, waxayna u muuqataa inay labada dhinac kala tagayaan.

Saraakiisha Imaaraatka Carabta, ayaa horaantii bishan u sheegay Soomaaliya in ay joojinayaan lacag dhan 5 milyan oo dollar oo ay ku taageeri jireen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

Imaaraadku waxay joojiyeen lacagihii ay siin jireen shan guuto oo ku sugan meelo ka baxsan Muqdisho, iyaga oo hadda bixiya kaliya taageerada dhaqaale ee laba guuto oo xasilinaya Muqdisho iyo hal guuto gaar ah, oo loo xil saaray ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here