Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyay Xilliga La-Galayo Doorashada Madaxweynaha iyo Ururada

0
1482

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay goorta la qabanayo Doorashada Madaxweynaha iyo ta Ururada Siyaasada, taas oo ay muddo dheer isku hayeen Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada, Madaxtooyada iyo ta xisbiyada ay dhaceyso 13- bisha Novermber ee sanadkan aynu ku jirno 2024-ka.

“Koomishanka doorashooyinka Somaliland wuxuu go’aansaday in doorashada madaxweynaha, ku xigeenka madaxweynaha iyo doorashada tooska ah ee axsaabta qaranka, labadaba la wada qabto 13 November ee 2024” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa ku tartami doona kaliya musharixiinta saddex xisbi ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo Ucid, sida uu sheegay Guddoomiyuhu.

Sidoo kale, waxaa doorashada tooska ah ee axsaabta ka qayb-geli doona saddex xisbi iyo 10-ka urur siyaasadeed ee loo diiwaan-geliyay doorashada.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka, ayaa wuxuu dhinaca kale farriin guud u diray shacabka Somaliland oo uu ka dalbaday inay u diyaar garoobaan doorashooyinka.

Waxaan fareynaa bulshada reer Somaliland inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaas, waxaana rajeyneynaa in daneeyaasha ay ka qayb-geli doonaan doorashadaa” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Xasan.

Go’aanka ka soo baxay Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa isla maanta loo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, si uu u dhaqan-geliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here