Qisada Heesta Caanka Ah Ee ‘Gacantu Raaxo Daranaa’!!- Qalinka: Cumar Cali Xasan (Seerbiya)

0
1157

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sannadkii 1975-kii Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdilaahi oo loo garan ogyahay Xasan Ganay waxa uu allifay riwaayad uu u bixiyey ‘BIDAARI SIBIQBAY KUGU GASHAA’. Riwaayaddaasi hobolladii ku jiray waxa ka mid ahaa Boon Xirsi Bowdyo gaab, Meecaad Miigane, Aamina Cabdilaahi Xirsi, Xasan Aadan Samatar iyo Alla Ha U Naxaristee Fannaankii weynaa Maxamed Yuusuf Cabdi .

 

Qaybta aan u socdo oo ah heestan oo uu laxameeyey sida la ii sheegay Axmed Nuur Jaangoo waxa sababteedu ahayd Fanaanka Xasan Aadan Samatar oo riwaayadda ku matalaayey magaca Raage Faarax Qamaam waxa uu jeclaanayaa Aamina Cabdilaahi Xirsi oo magaca ay riwayadda ku jilaysaa yahay Hibo Maax Maxamed oo uu dhalay sida riwaayadda ku jirta Meecaad Miigane oo isna ku jilaaya magaca Maax Maxamed.

 

Raage oo Xasan Aadan Samatar ah ayey heshiinayaan ka dibna waxay isku af-garanayaan inay Aabbaheed u sheegto iyada oo waliba u raacinaysa magaca ninka soo doonaya in la yidhaahdo Raage Faarax Qamaam .

 

Fannaankii Maxamed Yuusuf Cabdi oo isna magaciisu yahay Raage Faarax Qamaam ayaa ka imanaya qurbaha ka dibna waxuu ka helayaa Aamina oo markan u doonan Raagaha kale ee Xasan Aadan ah.

 

Markay u sheegto ayuu Boon Xirsi oo la socday oo askari ah rabana inuu shaxaado Raagaha qurbaha ka yimi uu ku odhanayaa ninkan waan xidhayaa aabaheed ee gabadha weydiiso oo maadaama ninka ay u doonan tahay aad isku magac tihiin waxaanu la socdaa sheekada inaanay Xasan iyo Meecaad wali is arkin sheeko maqal mooyaane.

 

Meecaad oo ah Maax ayay Boon Xirsi iyo Maxamed Yuusuf u tagayaan, markay weydiistaan gabadhii ayuu isna ku odhanayaa magacaa waxuu u sheegayaa inuu yahay Raage Faarax Qamaam sidii ayaa lagu siinayaa oo loogu dhisayaa.

 

Fanaanaddii Aamina Cabdilaahi waxa ay kaliya ogtahay in la siiyey Raage Faarax Qamaam oo ay moodayso kii ay u doonanayd. Habeenkii markii loo aqal geliyey ayey ogaanaysaa xaajadu sida ay tahay, sidaasi ayeyna ku qaadaysaa heesta ‘GACANTU RAAXO DARANAA GUUDKAYGA SAARANI GO’A YAA ILA HUWADAY’ .

Erayada Heesta ‘Gacantu Raaxo Daranaa’

Erayada: Xasan Xaaji Cabdillaahi

Laxanka: Axmed Nuur Jaangoo

 

‘Galaw Taah Gu’ Madaxii

Goohyoo Galaa Yimid

Guuguule Faal Dhigay

Garan Waa Minkaw Baxay

Isna Baalasha Is Goo

 

Anna Gocashadiisii

Gef U Dhacay Ismoodsiis

Waa Waxaan Galgalashada

Anoo Gam’ay Gadood Ciil

Garta Ugu Naqaayee

 

Gurigii Jacaylkiyo

Hooygii Godobta

Keebaan Gogoshiisi Ku Hurdaa

Go’a Yay La Huwaday

Gacantu Raaxo Daranaa

Guudkayga Saarani!

 

Golcasta Iyo Sibir Godan

Kala Jeedi Geeluba

Isna Garay Habeed Gubi

Gondaha Inuu Ku Leeyahay

Waanu Galab Cadceedsaday

 

Dhiiggii Guntamay Iyo

Gujo Maqan Gunaad Oge

Anna Nabar Ii Gaaroo

Gaaroodis Diidaa

Garka Iga Damqanayee

 

Gurigii Jacaylkiyo

Hooygii Godobta

Keebaan Gogoshiisi Ku Hurdaa

Go’a Yay La Huwaday

Gacantu Raaxo Daranaa

Guudkayga Saarani!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here