Qiimaha Tigidhka Lagu Tagayo Hawada Sare oo Gaadhay $55 Milyan oo Dollar

0
489

Washington (Hargeisa Press) – Waxaa saldhiga hawada sare gaadhay dayax-gacmeedkii ugu horreeyey ee ay leeyihiin shirkado gaar ahi, kaas oo siday afar qof, waxaana dayax-gacmeedkan dirtay shirkadda Axiom Space.

Hay’adda sahanka hawada sare ee Maraykanka ee NASA, ayaa bogaadisay iskaashiga saddex-geesoodka ah ee dhexmaray iyaga iyo shirkadaha Axiom iyo SpaceX, waxayna sheegeen inay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumarinta ganacsiga, aagga hawada sare ee loo yaqaan “Low Earth Orbit”, arrintan oo dhiirigelinaysa in hay’addu ay diiradda saarto safarro hami fog leh oo qoto-dheer oo macluumad dheeri ah lagaga ogaanayo koonka.

Dayax-gacmeedka SpaceX Falcon 9, ayaa shalay sabtidii si nabad ah ugu xidhay saldhiga hawada sare, waxaana shaqaalihii la socday ay gudaha u galeen xarunta saldhiga. Dayax-gacmeedkan ayay ku qaadatay illaa laba saacadood inuu ku gaadho xarunta hawada sare, ka dib markii uu ka duulay xarunta laga diro dayax-gacmeedada ee Kennedy Space Center oo ku taalla gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Sarkaalka maamulayey hawlgalka shirkadda Axiom, Michael Lopez-Alegria oo ahaa cirbiyeen hore oo ka tirsanaa hay’adda NASA, oo haysta dhalashooyinka dalalka Mareykanka iyo Spain, ayaa u duulay hawada sare afar jeer oo hore, muddadii 20-ka sano ahayd ee uu hawshan ku jiray, sannadkii 2007 ayay ahayd markii ugu dambaysay ee uu booqday saldhiga hawada sare.

Waxaa haatan safarkiisa ku wehelinaya saddex ganacsade oo kale oo kala ah, Larry Connor oo ah maalqabeen Mareykan ah oo ka ganacsada guryaha, Mark Pathy oo isna ah ganacsade u dhashay dalka Canada iyo Eytan Stibbe oo isna ah duuliye hore iyo ganacsade u dhashay dalka Israa’iil.

Qiimaha tigidhada safarkan, ayaa la sheegay inay ku kacayaan guud ahaan illaa $55 million oo dollar.

Inkasta oo ay maalqabeeno kala duwani ay hore u booqdeen saldhiga hawada sare, haddana hawgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee aan dawli ahayn ee dayax-gacmeedka iyo shaqaaluhuba ay yihiin kuwo ka socda shirkado gaar ah.

Shirkadda Axiom ee deggan magaalada Houston ee gobolka Texas, ayaa siisay shirkadda SpaceX lacagta ku baxaysa duulimaadka, halka ay shirkadda NASA-na ay siisay khidmadda saldhiga hawada sare.

Saldhiga hawada sare, ayaa dhulka u jira illaa 400 KM, waxaana ka socday shaqooyin badan oo ay jiraan cilmi-baadhiso lagu hayo in dawo loo helo xanuunka Cancerka.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here