Abiy Ahmed oo Ka Hadlay Arinta Dekeda Saylac

0
1207

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa waraysi uu siiyey telefishanka EBS ee Af Axmaariga wax ku tabiya waxaa uu kaga hadlay xidhiidhka u dhaxeeya dalkiisa iyo Somaliland, gubashadi Suuqa Waaheen iyo dekadda Saylac.

Ugu horayn Ra’iisal wasaaraha Itoobiya isagoo ka hadlaya xidhiidhka dalkiisu la leeyahay Somaliland waxa uu yidhi”Somaliland waxa naga dhexeeya walaaltinimo,ixtiraam iyo ganacsi xalaal ah”.

Waxa kale oo uu sheegay inuu wasiiradiisa ugu sareeya u diray Hargeysa si ay u soo eegaan khasaaraha suuqa Waaheen ee gubtay islamarkaana ay Itoobiya qayb weyn ka qaadan doonto dib u dhiska Suuqa Waaheen kharash ahaan iyo dhinaca dhisidda suuqaba.

Waxaa muddooyiinkii u dambeeyay soo baxayay warar sheegayay in xukuumadda Soomaliland iyo Itoobiya ay ka wadahadleen sidii ay Itoobiya u adeegsan lahayd dekadda magaaladaasi.

Balse waxa ay xukuumadda Somaliland beenisay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan in ay labada dhinac ka wadahadleen arrinta magaalada Saylac.

Hase-yeeshee Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa ka jawaabay su’aal uu telefishanku ka weydiiyay warar dhawaan lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayey in Itoobiya ay danaynayso dekadda Saylac.

“Waxa January 18, sanadkan 2022 aanu ku kulanay Addis Ababa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaa aan u sheegay in cadawgeenu uu doonayo in aan colowno, oo aan kala xidhanno xadka, laakiin taasi ma dhacayso. Saylacl waa magaalo ku taala Somaliland, waxaa ay ahayd Somaliland, waxaa ay tahay Somaliland, waxana ay ahaan doontaa Somaliland”.ayuu yidhi Abiy Axmed.

Abiy Axmed, waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi: “Waxa aan doonayna in aan hindisno tareen u kala goosha Berbera iyo magaalooyinka Itoobiya oo ay ugu horayso Addis Ababa, si aan uga faa’iidaysano ganacsiga ay abuuri doonto dekeda Berbera”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isaga oo jooga Washington D.C bishii March, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la yaabay qoraalo lagu baahiyey baraha bulshada kuwaas oo sheegayey in ciidamada Itoobiya ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan magaalo xeebeedka Saylac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here