Qaybtii Labaad Ee Shaqaale Ka Tirsan Dowladda oo Galay Imtixaankii Shaaqlaysiinta

0
1325

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hay’adda shaqaalaha dowlada Somaliland, ayaa maanta imtixaan ka qaaday qaybtii labaad ee shaqaalaha dowlada, iyadoo imtixaankaasna looga fadhiistay dhammaan gobolada dalka.

Waxaa imtixaankan magaaladda Hargeysa ka furay Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dowladda, Farxaan Aadan Haybe iyo Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda, Faysal Sahal Jaamac.

Guddoomiyaha hay’dda shaqaalaha dowlada Somaliland, Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in ay in tirada guud ee shaqaalaha imtixaankaas u fadhiistay ay dhan yihiin 761 ka mida shaqaalaha dowlada Somaliland, kuwaas oo aan hore imtixaan looga qaadan.

Ugu dambayn guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowlada Faxaan Aadan Haybe, wuxuu sheegay marka qaybtaasi labaad ee shaqaalaha ahi aan hay’adda shaqaaluhu ogolaan doonin in hay’addaha dowlada ay joogaan shqaale aan joogto ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here