Qaramada Midoobey oo Shaacisay In Wada-hadalo Hoose Ay U Socdaan Somaliland iyo Soomaaliya

0
2900

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo khudbad ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay wada-hadallo u socdaan Somaliland iyo Soomaaliya.

James Swan ayaa sheegay in wada-hadallada ay yihiin heer sare ah, islamarkaana labada dhinac ay leeyihiin xidhiidh joogto ah. Waxa uu intaas ku daray in labada dhinacba ay doonayaan in lasii hormariyo wada-xaajoodyada.

“Marka ay noqoto xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xidhiidhka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yidhi James Swan.

James Swan ma aanu bixin wax faah-faahin oo intaas dheer, mana cadda qaabka ay u socdaan wada-hadallada iyo mas’uuliyiinta ku lugta leh intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here