Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo War Cusub Ka Soo Saaray Isu-socodka Dadweynaha Ee Maalinta Ciida

0
1795

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey hannaanka isu-socodka bulshada ee maalmaha ciida.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo goordhow u waramay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in aan la joojin isu socodka dadka oo dhan, balse la hakiyey isu socodka dadweynaha ee gobolada dalka Somaliland islamarkaana uu gebi ahaanba uu xidhnaan doono muddo labo maalmood oo ciida ah, si loo yareeyo faafida cudurka safmarka ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here