Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Ku Biiray Urur Siyaasadeed Cusub

0
1115

Garoowe (Hargeisa Press)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray urur siyaasadeed cusub oo lagaga dhawaaqay Puntland.

Deni ayaa iska diiwaan-geliyey urur siyaasadeedka Kaah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhaweeyay guddoonka Ku meel gaadhka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland, tallaabada uu Deni uu qaaday ayaa qeyb ka ah hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee maamulka Puntland, taasi oo ka mid ahayd qorsheyaasha iyo siyaasadda Madaxweyne Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here