Qaaca Abaaraha, Is-qarinta Ganacsatada & Qabyada Abaabulka Shacabka

0
908
Axmed Cisman Batuun

Ku gurmo Af, Adduu Aama abaabul, ogsoonow inaad kaalin ku leedahay oo ay Masuuliyadi ay cid kasta ka saaran tahay dadka ku sugan Xaaladda adag ee Abaarta)

 

Waxaa sii adkaanaya xaaladda abaaraha ee gobolada bariga somaliland,waxaana baraha bulshada iyo qaybaha warbaahinta laga daalacanayaa xaalad aad looga damqado,sidaasoo ay tahay ma muuqdo gurmadkii loo baahnaa in dadkaa la gaadhsiiyo marka laga qiyaas qaadanayo sida xaaladu tahay,baaxadda dhulka ay taabatay abaartu iyo miisaanka ay leedahay.

 

Waxaa la sheegayaa in xukuumadu gaadhsiisay meelaha qaar biyo iyo baad kooban iyo sidoo kale dawo,lamana odhan karo waa waa wax la taaban karo iyadoo aanay jirin qiyaas sax oo laga duulli karaa hase ahaatee waa talaabo wanaagsan itaal si uu yahayba,amuurta aad loo hadal hayo ee qaybaha bulshadu aadka isu waydiinayso ayaa ah damqasho la,aanta ganacsatada waddanka oo aynu ognahay inay yihiin kooxda ugu hantida badan maanta kana macaasha bulshada malaayiin lacaga oo aan qiyaas lahayn,kuwaasoo aynu ka xusi karno shirkadaha isgaadhsiinta noocyadeeda, shirkadaha xoolaha, kuwa dhismaha, ganacsatada raashinka iyo bagaashka iyo sidoo kale kuwa shidaalka,waxaan iyaguna haba yaraatee warba ka hayn xaalada dadka abaartu hayso  warshadlayda dalka oo ay ugu horeeyaan kuwa biyaha sifeeya iyo jiilka ka ag dhaw iyo sidoo kale bahda ka ganacsata caafimaadka noocyadiisa iyo waxbarashada lana odhan karo waxay qayb ka yihiin kooxaha ugu dakhliga badan dhiig miiratada dalka ka shaqaysta ee aan xataa garanayn inay 1%  ku celiyaan bulshada ay usoo baadhasho tageen.

 

Waxaan ugu baaqayaa kooxaha kor ku xusan in hadii damiirkoodu siin waayay inay aadminimo uga qayb qaataan gurmadka dadkooda oo aanay lahayn lexejeclo iyo wadaniyad,ay badelkeeda ku xisaabtamaan ilaashiga macaamiisha noocyada ganacsigooda oo ay sidaa ugu gurmadaan dadka ay kasoo gasho hantida ay urursigeeda ku walfeen,hadii kalana aanay heli doonin dad ay sixirka ay doonaan wax kaga iibiyaan.

 

Waxaan bogaadinayaa una ducaynayaa cid kasta oo ka qayb qaadanaysa gurmadka bilawga ah ee dadka abaartu hayso,sidoo kale waxaan bahda saxaafadda ee dalka noocyadeeda,bahda hal abuurka,iyo suugaanlayda ka codsanayaa inay si mug iyo miisaan leh u tabiyaan ugana warramaan xaalada abaaraha.

 

Waxaan baaq kale u dirayaa jilayaasha siyaasadda ee xilligan iyo kuwa ka ag dhaw oo aan leeyahay erey,adduun iyo arrinba kaga qayb gala gurmadka dadka aad codka ka rabtaan.

 

Qurbajoogta iyagana waxaan leeyahay ma muuqdo doorkii aad ku suntanaydeene fadhiga ka kaca.

 

Ugu danbayn waxaan ka codsanayaa culimada iyo dadka aqoonta diinta u saaxiibka ah inay guubaabiyaan bulshada oo ay dadka u sheegaan qiimaha is caawinta iyo gargaarka sidoo kalana ay u duceeyaan umadda.

 

Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkan kooban is xasuusinta iyo u gurmashada dadkeenu waa waajib qof kasta saarane aynu isku duubni ku galno uguna gurmanno dadka iyo xoolaha ku le,anaya abaarta.

 

Ilaahay ha inaga jabiyo abaaraha raxmaadkiisana ha inoo shubo.

 

Qalinka:Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here