CUGASHADA GURACAN & SOOYAALKII SEED: Qaybtii 6 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
1032

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

 

Sababaha Xulashada  & ilduufka abaalka:

Akhriste, shirwaynihii koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga Waddani ee abaabulka, qabanqaabadda, hanaanka Xulashada xubnaha  golaha dhexe  iyo tirada guud ee golaha dhexe  ka kooban yahay aad ka looga dayriyay,  ayaa 22 October 2016 lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hageysa.

Kaasi oo hanaanka doorashadiisu aad ugu muuqatay afduub ay muddo badan ka soo shaqeeyeen atkaarta sidda dadban majaraha ugu haya Xisbiga Waddani oo si kooto ah musharax madaxwayne loogu doortay mudane Abdirahmaan Cirro.

 

Halka mudane Dr. Maxamed Cali Aw Cabdi ay huwanta isku raran ee haloosigooda la mahadin waayay u doorteen  in uu noqdo musharaxa jagada madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga Waddani. dhinaca kale Dr Aw Cabdi ayaa aad ugu muuqda  nin fadhiga loogu lisay caanaha hashii Maandeeq ee xiligii adkaa, xiligi abaarta & xiligi ooddo-lululka lagu jiray uu soo dhaqaaleeyay Ahmed M. Seed.

 

Hadaba, akhristeyaal is waydiiya ciidda iyo sababaha ka danbeysay Xulashada nin aan abaal badan ku lahayn xisbiga oo looga tagay ninkii magaca xisbiga ku suntanaa?.

 

Runtii, jawaab u helida su’aashani u raadin mayno sheeko dheer iyo hadal badan, waayo waa mid kooban oo la wadda fahmi karo. Ugu horrayn waa labo muwaadin oo xaq siman waddaaga. Waa isku qoomiyad, waa isku diin, waa isku midab, waa isku dal, waa isku gobol, waana dhiig iyo dhalasho wadaag aan sina loo kala sooci karin.

 

Sidaa darteed waxa meesha ka baxaysa aragtida sillan ee sidda munaafaqadu ku jirto loo hirgaliyay una hirgashay. Taasi oo ah waxa laga fikiray dhinaca codka oo Maxamed Cali ayaa cod badan keenaya. Waa dab iyo dhimbiil guddoomiye Cirro iyo musdanbeedka xisbigu iskugu dhiibay dadka walaalaha ah ee wadaagga degaamada gobalka Awdal iyo waddamada dariska ah. Bal is waydii Goorma ayay tiriyeen dadka reer Awdal oo beelkasta ay ogaadeen tiradeeda?.

 

Malaha haddii aan su’aashaa waydiin lahaa qolada xisbiga waddani majaraha u haysa, kaliya waxay caddeyn ka dhigan lahaayeen tirada codbixiyeyaashii doorashadii madaxwaynenimo ee dalka dhacday sannadkii 2010-kii, oo Sadexda xisbi ay reer Awdal uga tartamayeen Sadexda musharax oo midi madaxwayne ahaa, halka labada kalena ahaayeen ku xigeenno. Deetana si fudud ay ii odhanayaan Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ayaa gobalka Awdal ka helay codkii ugu badna, dee Maxamed Ali na isku reer weeye, oo sidaa ayaan ku dooranaye raali ha noqdaan Axmed iyo shacabkii halganku.

Tani waa waali-cas oo waxa beeninaysa aragtida ah in dadka gobalku iyaga oo aan hayb- hayb loo kala soocin ay heer gobol ugu coddeeyen Musharixii madaxwayne ee gobolku lahaa, waana hanti ka wadda dhageysa dadka gobalka ee maaha mid qolo loo tirin karo. Waa abaal iyo xeer laysku galay ee maaha mid  Waddan iyo han-yare iyaga ka tirsani ku kala foggeyn karo shacabkii aqoonta iyo xadaaradda Somalida ee ku abtirsanaayay ilbaxnimadii guunka ahayd ee Saylac iyo Adal empire. Waa talo godob iyo gumeyn ku ah  qofka hayb sokeeye la waddaagga Ahmed M. Seed, Abdirahman Saylici iyo Xildhibaan Ali Areeye ee hadana ilaalinta midnimada iyo qadiyada guud darteed ugu coddeeyay Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

 

Hadii guddoomiye Cirro iyo musdanbeedkiisu sidan u kala qoqobeen shacabka walaalaha ah ee reer Awdal, maxaa Ahmed M. Seed iyo shacabkii halganka u diidaya in ay kala naaqishaan oo kala naqeeyaan shacabka Cirro hayb ahaan ka soo jeedo, oo ay musharax madaxwayne ka doontaan Jammeecada Caynaanshe, Salaxley, Baligubadle,  Caynaba, Buuhoodle, Berbera amma Gabilay, si ay cod badan u helaan.

 

Xaqiiqdii waxaan hubaa in Cirro, musdanbeedka iyo reerkuba odhan lahaayeen, alla dee kuwaasi anaga nama metelaan. Horta Niman yahaw na kala barta, waar  anagu magac guud mooyee qolada waxba ma wadaagno. Waa si wanaagsan, balse waxa lagaa rabay in aad garato waxa ku haboon in xoog iyo xoolaba kuu huray oo xisbiga kuu dhisay, kuuna ogol in aad madaxwayne qaadato isaga oo xoog iyo xoolaba kaa badsaday. Sidaa awgeed, bal aan xuso waydiimo dhex miranaya maankii iyo garaadkii mudakarkii muddada dheer la ologga ahaa guddomiye Cirro oo ah eedaysanaha koowaad ee ku gafay Mujaahid Ahmed M. Seed iyo shacabkii halganka:

  • Waar yaa Cirro yaa kugu yidhi Ahmed M.Seed iyo shacabka halganka waxa dhaxalkooda leh Ambassador Jugsoodhacay, adigana “Cirro” Ismail Buubaa kuma dhaxli karo?.
  • Waar yaa Cirro yaa kugu yidhi reer Awdal waa in wadda leh dhaxalka xeedhada madhan ee xisbiga Waddani?.
  • Waar yaa Cirro yaa kugu yidhi Ahmed M.Seed iyo shacabkiisa abaalkooda abaal la’aan ku gud, oo nin kale abaal u gal, ka dibna maslaxaad ku qanci oo hasha Maandeeq iska sii haaneed?. Yaa kugu yidhi mujaahidka dil oo hadana ergo u dir?.
  • Waar yaa Cirro yaa kugu yidhi shacabka halganku waxay gayaan waxaad adiga “Cirro” iyo shacabkaagu diideen?.
  • Waar yaa Cirro yaa kugu yidhi Ahmed M.Seed cod kuuma keeni karo?. Waa yaab eh, Goorma ayaad dadka reer Awdal tirisay?. Goorma ayaad yeelatay awood aad ku fuliso tirakoobka  dadwaynaha oo aad fulinta la wareegtay?. Guusha kursiga madaxwayne, ma waxa kuu haya cugashada casabbeynsan ee  Jugsoodhacay, talada musdanbeedka reeraysan iyo orka wiilasha idman ee kugu gedaaman.
  • Jawaabta waydiimaha kan waxa kaa sugaya aniga iyo dhammaan shacabka Somaliland?.

 

Ugu danbeyntii, waxaad fashay waa fal siyaasadeed falan iyo guuldaro isku gigan oo runtii cugashada casabbeynsan ee Jugsoodhacay, talada musdanbeedka reeraysan iyo orka wiilasha idmani, waa guuldaro iyo gebi-dhac siyaasadeed oo aannu xisbigaagu  ka gayoon doonin…… La soco qaybo kale oo muhiim ah hadii allaah idmo.

 

By: Jamal A. Muse                                                                                                                                     
dankaabo@hotmail.co.uk/ jamalabdiya@gmail.com /hirdandheer@gmail.com
Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here