Puntland Oo Ku Gacan Saydhay Nabaddii Uu Madaxweynaha Somaliland Ku Baaqay

0
734

Garoowe (Hargeisa Press.com): Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa mar kale ku hanjabay in aanay marnaba wax nabadda qaadanaynin ilaa inta ciidamadda Somaliland ku sugan yihiin dhulka ay sheegteen Puntland ee Sanaag Bari iyo Sool.

Sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed-Karaash), oo shalay hadal u jeediyay boqolaal dadweyne ah oo uu kula tukaday garoonka Kubbadda cagta Mirre Awaare, ee magaaladda Garoowe.

Axmed Karaash, waxa uu tilmaamay in haddii ay ka dhab tahay nabadda iyo deris wanaaga uu ku baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, in marka hore ay ciidamadda Somaliland dib ugu noqdaan xuduudka ay Puntland sheegato.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo arrimahan ka hadlayay waxa uu yidhi “Dhulkeenii waa la haystaa. Sanaag baa u danbaysay, waa taa la soo galay iyo Sool oo ka horaysay.

Isagoo dhulkaa jooga ayaa hadana wuxuu leeyahay Muuse Biixi nabad baan rabaa, ama nabad baan qaatay. Taasi waxay ila tahay inta uu Puntland dalkeedda ku jiro,  ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso.

Waxaanan leenahay xuduudaadii tag, haddii aad nabad doonayso”ayuu yidhi Axmed Karaash.

Geesta kale hadalkan madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku soo beegmaya uun maalmo yar ka dib markii madaxweynaha Somaliland uu sheegay in ay doonayaan in Puntland ay kula noolaadaan nabad iyo deris wanaag.

Sidoo kale hadalka Axmed Karaash, ayaa imayana iyadoo todobaadkan ay xukuumadda Somaliland ku wareejisay maamulka Puntland 14 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii sanad ka hor degaanka Tuke-raq ku dhexmaray ciidamadda Somaliland iyo kuwa Puntland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here