Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadda Ciidul-fidriga kala qayb-galay Shacabka Caasimadda Hargeysa

0
791

Hargeysa,(HargeisaPress)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidriga oo ku beegan maanta oo ay bisha Shuwaal curatay, sannadka 1440-ka taariikhda Hijriyada.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, maamulka gobolka, ayaa kumannaan kamid ah shacabka caasimadda ku dhaqan kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, waxana uu madaxweynuhu bulshada u jeediyey khudbad ballaadhan oo uu kaga hadlay xaalado kala duwan oo bulshada ku gedaaman.

HALAKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here