Puntland: Diyaaro Duqaymo Ka Gaystay Degaanka Timirshe Oo Ee Gobolka Bari

0
710

Carmala (Hargeisa Press): Duqaymo dhinaca cirka ah ayaa maanta duhurnimadii ka dhacay degaanka Buuralayda ah ee loo yaqaano Timirshe, ee aaga Carmala oo ka tirsan degmadda Isku-shuban ee gobolka Bari ee Puntland.

Ma jiraan warar rasmiya oo ku saabsan cida lala beegsaday weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay midnaba.

Hase yeeshee sida lag soo xigtay dadka degaanka Carmala maanta cabaaro 2:30 duhurnimo ayaa weeraradaasi dhinaca cirka ah ay Β dhaceen, kuwaasoo ilaa afar jeer oo daqiiqado isku xiga ah dhacay.

Weli lama xaqiijin karo cida lala beegsaday ee meeshaas lagu tuhunsan yahay, marka laga reebo in ay tahay degaan degsiimo u ah dadka xoolo dhaqatadda reer Miyiga ah.

Iyadoo wakhtigan aybaΒ  ka hayaameen dadka xoolo dhaqatadda ah laftoodu, isla markaana cid degan aan si dhab ah loo ogayn.

β€œAnagu waxaan maqalnay sanqadha meesha ka dhacday, saddex jeer ilaa afar jeer. Cirka ayay gantaaluhu ka imanayeen, diyaaradda ayaaba noo muuqatay.

Waxaa ii muuqday Qaac dhulka ka baxayay” sidaasi waxaa yidhi mid ka mid dadka degaanka Carmala oo la hadlay VOA.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi β€œIlaa hal saac ayuu qofku u socon karraa meesha duqayntu ka dhacday, ishu way qaban kartay.

Waa meel ka mida toga Cumayra la yidhaahdo. Ilaa 40 KM ayay u jirtaa degaanka Timirshe”.

Geesta kale ma aha markii u horaysay oo degaamo ka tirsan Bari ay duqaymo ka dhacaan, woraantii sanadkan ee bishii April waxaa jirtay in degaankaasi duqaymo lala beegsaday.

Halkaasoo xiligaa ay isku hor fadhiyeen ciidamo ka kala tirsan kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

Dhinaca kale duqaymaha dhinaca cirka ee inta badan ka dhaca koonfurta Soomaaliya iyo degaamo ka tirsan Puntland waxaa gaysta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

Kuwaasoo inta badan beegsadda fadhiisimadda ay joogaan kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Inkastoo ilaa hadda aanay cid sheegatay weerarkan iyo cida lala beegsaday midnaba.

Sidoo kale lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay duqaymahaasi, maadaama oo degaankaasi uu yahay buuralay qarfo ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here