Prof. C/salaan Yaasiin Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Cadaynta Qodobadda Rasmiga ah Ee Shirkii Jabuuti

0
1202

Hargaysa (HP): Prof. C/salaam Yaasiin, oo ka tirsan siyaasiyiinta madasha wada tashiga Somaliland ayaa sheegay in shaki badani uu ku jiro qodobo laga soo saaray shirkii dhawaan dalka Jabuuti ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu bulshadda u cadeeyo go’aankii rasmiga ahaa ee ka soo baxay wadahadaladii dhawaan Jabuuti ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu soo jeediyay in si loo fahmo qodobadii laba todobaad kadib markii shirku dhacay la soo saaray, qodobadaasi oo u cuntami waayay bulsahdda reer Somaliland, isla markaana ay malahan si weyn u hadal hayeen.

Prof. C/salaam Yaasiin, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa kaloo uu sheegay in dadweynuhu ay shaki badan ka qaadeen qodobadda laga soo saaray shirkaasi.

Daawo: Prof. C/salaam Yaasiin Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here