Xiisadda Nile: Jabuuti iyo Soomaaliya oo Diiday Qaraar Lagu Taageeray Masar

0
1042

Qaahira (Hargeisa Press) — Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa diiday inay ansxiyaan qaraar kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Masar oo xiisad la xidhiidha webiga Nile ay kala dhaxeyso Itoobiya.

Qaraarkan ayaa ku baaqay in Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xidheenka ay ka sameysay Webiga Nile, inta ay heshiis buuxa kala gaadheyso dalalka Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda.

Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa soo gudbiyey Masar, waxaana ansixiyey dhammaan wasiirada arrimaha dibedda ururka marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti.

Soomaaliya ma shaacin sababta ay u diiday qaraarkii shalay, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay 23-kii March in Soomaaliya ay mawqif dhexdhexaad ah ay ka qaadatay muranka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia.

Sidoo kale, Cawad oo hadal ka jeediyey kulankii shalay, oo lagu qabtay qaab muuqaal online ah, ayaa ugu baaqay Masar, Itoobiya iyo Sudan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya.

Itoobiya ayaa sheegtay inay bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xidheenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto Sudan, oo uu ku qul-qulo webiga Nile.

Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xidheenka la buuxiyo iyada oo aan heshiis laga gaadhin.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here