Nuxurka Kulan Dhex Maray Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka Somaliland Iyo Xubno Ka Socday Hay’add Laga Leeyahya Dalka Suudaan + SAWIRRO

0
876

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mud. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, ayaa  Xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Hay’ad lagu magacaabo Humanitarian Aid& Development oo laga  leeyahay Waddanka suudaan kana hawlgasha dhinaca Arimaha Bani’adaminimadda iyo Horumarinta.

 

Waftiga oo uu  hogaaminayay Cabdalla Kharsaam oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka Somaliland ayaa ujeedada ay u yimaadeen ahayd sidii ay xafiis uga furan lahaayeen Somaliland.

 

Waxana intii kulankani uu socday ay labada dhinaba ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal oo ay ugu horeyso hirgalinta xafiis cusub oo ay hay’adu ku yeelan doonta Somaliland iyadoo ka hawlgali doonta dhinacyada Waxbarashada, Beeraha iyo Caafimaadka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here