Nuxurka Khudbad Uu Madaxweyne Muuse Ka Jeediyay Kulan Uu Shalay U Furay Wasiiradiisa

0
1088

Hargeysa (HargeisaPress) β€”Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay khudbad ka jeediyay kulan loogu yeedhay β€œKulan wada tashi ah” oo ay yeelanayaan golaha wasiirada Somaliland, waxaanu soo bandhigay madaxweynuhu caqabadaha maamulkiisa horyaala, waxyaabaha laga sugayo, arrimaha ay tahay in deg deg wax looga qabto iyo qodobo kale.

Ugu horayn Madaxweynaha oo ka hadlaya dadka uu xilalka u magacaabay iyo qodobada shirkan lagaga wada hadli doono wuxuu yidhi β€œDadka la magacaabay rag iyo dumarba hore umay wada shaqayn isma yaqaanaan meelna way ka wada duuli doonaan oo iyaga oo koox ah inay wada shaqeeyaan ayaa laga rabaa waxay u baahan yihiin inay iyagu is bartaan, rayiyaal badana ay is waydiiyaan oo iyaga oo is garanaaya oo koox ahaana siday u wada shaqayn lahaayeen garanaaya ay shaqada bilaabaan.

Qodobka labaad waxa uu ahaa wasaaradii waa laysku raray qaar oo waa la soo koobay, waxa la sameeyay haayado madaxbanaan markaas taas lafteeda in laysla fahmo oo sida ay u wada shaqaynayaan haayadii in lays waydiiyo oo haayada madaxbanaan ee baarlamaanku uu madax baneeyay wasaarad shaqo kuma laha ee maareeyaheeda ayaa leh, wado nidaam uunbay wasaaradu u tahay, labada wasaaradood hawlaa qaar ayay iska soo galaan waa in la kala qeexaa oo shirkan aad loogu lafo guraa , nidaaminta sida ay dawladu u wada shaqayso oo aanay goor dhaw murug badani aanu galin marka la wada shaqaynaayo, waxa kale oo uu ka faa’ido yahay dadku marka ay wada shaqaynayaan hadii ay wax dhex galaan way is garanayaan oo waa dad soo shiray oo wax iswaydiiyay oo wada xidhiidhi karaΒ  laakiin haddii aanay isba aragba isma fahmi karaan, inta ugu weyn ee maanta shirkan aynu xooga saaraynaa waa is barashadaΒ  iyo wada shaqaynta xukuumada iyo inay isla fahmaan siday u kala qeexan yihiin hawlaha shaqo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here