Nuxurka Arrimo ay ka Wadahadleen Dowladaha Somaliland iyo Belgium-ku + SAWIRRO

0
1163

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo kulan la qaatay Safiirka Dalka Belgium-ka u jooga Caasimadda Nairobi + laba qoraal oo labada dhinac soo kala saareen

Nairobi,(HargeisaPress) β€”Dowladaha Somaliland iyo Belgium-ka, ayaa ka wadahadlay arrimaha kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya labada dhinac.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay inuu kulan la qaatay Safiirka waddanka Belgium-ka u jooga caasimadda Nairobi Ambassador Nicolas Nihon shalay, isagoo xusay inay ka wada-xaajoodeen waxyaabaha ay labada dal iska kaashaadaan iyo sidoo kale taageerooyinka dalalka Midawga Yurub ka gaystaan horumarka Somaliland.

β€œWaxa aan maanta (shalay) booqasho ugu tegay Ambassador Nicolas Nihon oo ah Safiirka dalka Belgium-ka u fadhiya Kenya, waxaanan ka kala xaajooday muhiimadda ay leedahay doorka dalka Somaliland ee ah saaxiib caalami ah, marka ay timaad arrimaha khuseeya amniga iyo waxyaabaha kale ee la iska kaashado. Waxa aan uga mahadnaqay Safiirka doorka dalalka Midawga Yurub (EU) iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha kaleba ay ka qaataan taageerada Somaliland, gaar ahaan sidii Somaliland uga midho-dhalin lahayd qorshayaasha horumarinta qaranka ee NDP II (National Development Plan II) ee sannadaha soo socda.” Sidaa waxa yidhi Ambassador Baashe Cawil Cumar oo qoraal soo dhigay baraha xidhiidhka bulshada (Social Media).

Dhinaca kale, qoraal kooban oo lagu faafiyey Twitter-ka safaaradda Belgium-ka ee dalka Kenya oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, ayaa lagaga hadlay kulanka dhexmaray labada safiir, kaasoo u qornaa sidan; β€œKulan diiran oo saaxiibtimo ku qotoma, ayaa dhexmaray Ambassador Baashe Cawil Cumar oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Somaliland ku leedahay Nairobi iyo Ambassador Nocolas Nihon oo sidoo kale qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.”

Safaaradda Belgium-ka ee ku taal magaalada Nairobi oo qaabilsan dalalka Kenya, Somaliland, Soomaaliya, Madagascar, Comoros, ahna wakiilkooda joogtada ah ee Hay’adaha UNEF iyo UN-HABITAT, waxaanna arrimaha dalalka iyo hay’adaas uga masuul ah Ambassador Nicolas Nihon, iyadoo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar uu muddooyinkii u dambeeyey shirar iyo kulamo heerkoodu sareeyo la qaatay diblomaasiyiinta iyo safiirrada dalalka reer galbeedka, gaar ahaan qaaradda Yurub u fadhiya magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here