Noloshuba Waa Waxaad Galabsato Iyo Intuu Tacabku Kuu Gooyo Qallinkii: Ahmed-yasin Sh Cumar Sh Ahmed Furre

0
2131
Aqoonyahan Ahmed-yasin Sh Cumar Sh Ahmed Furre

Waxaan shalayto yeelaan maantana la yaabaa, waa ciil,cadho iyo canaan joogta ah , waa cilad iyo ciriq xidhan , calankeena maydaan dhagaysan, ciideena maydaan dareemin waxay tabayaan cudud circa sare ku gaadhaan maalin uun ku ciil baxaan.

Noloshu hadii aynu unoolaano sidii aad wax ucuni lahayd ,useexan lahayn,usoo toosin lahayn ama wax ku khiyaamayn lahayn dee xayawaanka waxba ma dheerin balse noloshu waxay xikmad ku leedahay in alle lagu xuso raadna laga tago oo aduunkan saamayn lagu yeesho umaddan cadaalad lagu dhaqo, la beero ubad akhlaaq leh oo tababaran sidoo kale horseeda nolol naruuro ah oo sii waarta .

Boqor ka mida boqoradii Magaalad Baqdaad soo mara wuxuu ku yidhi dadkii uu xukumayay waxaad iisoo qabataan oo aad soo xushaan wixii Bakhayl ah iyo xaasid ah ee magaalada jooga .

Bakhaylku waa kuwa wanaaga iyo aragtiyaha fiican ka sheekeeya xoogoodana la aamusan,Tuuga isna waa ka dadka xoolahooda xalaashada, boqorkii waa lasoo qabtay waxaanu boqorkii ku yidhi (bakhaylkii iyo tuugii) labadiinan kiina hor hadlaa hal darajo ayuu leeyahay ka kalena wuxuu yeelanayaa laban laab inta uu mutaysto kiina hore , tuugii ayaa hor hadlay waxaanu helay hal darajo oo ah il halaga rido isla markaana xaasidkii wuxuu mutaystay in laba indhood laga rido , tuugii ayaa ka rajo fiicnaaday kii xaasidka ahaa waayo hal il ayaa u fayow.

Aan kusoo noqdo dulucda qoraalkaygan manta innagu inta aynu xoogeenii iyo cilmigiiba la aamusnay ee aynu waliba isu haysano dad wanaagsan oo barri ka ah cadaalad darada & musuqmaasuqa ha ahaadaan aqoonyahan,ganacsato,culimo waxaynu nahay cida ka masuulka ah waxaa wadanka ka dhacaya oo dhan waynu indho laanahay oo waxaa gacanta ina haya tuugtaa halka il u fayowdahay mana dhaliili karno oo indho aynu wax ku dhaliilno maba lihin

“inagoo dad islaam ah oo haysana kitaab samada ka yimid ayaa waxaynu xaynka haysanaa nin habeen madaw gudaya oo aan waxba aaminsanayn ayaynu gargaar ka sugaynaa,xalna ka sugnaa oo qaylo dhaan ugu gudbinaa (international community)nasoo kala gaadha” waxaa sidaa yidhi Sh mustafe Haji Ismael

Aqoonta aan camalka wadani waxaa suuragal ah inay keento fashilaad, gunaanadka maqaalkaygan koobani waa canaan ugu horayn naftayda ku socota sidoo kale ku socota intiina ila dareenka ah .

Waxaynu nahay dad xor ah cid inaggu khasbaysa in aynu u xanibnaano nin magacaaga wax ku cunaya hadana nolol kuu ogolayn nacayb inakala dhex dhigaya waliba sida waqti xaadirkan dhacda inoo sheegaya inta fooq iyo hanti ee uu inaga samaystay walee waa cibro ee garaadkeena bal si dhab ah aynu ugu celino si aynu u fashilino, waa kuwan wadooyinka aynu u fashilin karno

  1. Inay aynu muujino daacadnimada wadaniyadeed ee inaggu jirta
  2. In aynu rabitaan la nimaadno
  3. In aynu si dhaba ah ugala doodno waxay ay inaga iibinayaan
  4. In umadda aynu badbaadino oo go’doonka reernimo,qabyaaladeed,& musuq ka saarno .
  5. In aynu jabino xuduudaha reereed ee xiqdiga lagu kala xidhay ee sida xirfadaysan loo ootay ka gudubno .
  6. In ilaahay aynu talo saarano alle’na ka barino inuu tawfiiqda inagu hanuuniyo.

Qallinkii: Ahmedyasin Sh Cumar Sh Ahmed Furre

Email: ahyasen216@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here