Jamaal Cali Xuseen Oo maanta Si rasmiya u Shaaciyay Xisbiga Uu Ku Biirayo + SAWIRRO

0
1126

Berbera, (HargeisaPress) —Murashaxii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo mudooyinkii u danbeeyey wada hadalo kula jirey labada xisbi qaran ee WADDANI iyo KULMIYE ayaa goor dhawayd si rasmi ah u shaaciyay xisbiga uu ku biireyo.

Waxaana uu Jamaal madal qado sharaf ah oo hadda ka socota magaalada Berbera ka shaaciyay inuu ku biireyo xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE,isaga oo sheegay in isaga iyo garabkii uu hogaaminayayba ay ku biireen xisbigaasi ayna dhisi doonaan murashaxa xisbigaasi KULMIYE Muuse Biixi.

Jamaal Cali Xuseen oo ahaa murashaxii hore ee xisbiga UCID Ayaan shaacin mansabka uu ku badashay hankiisii madaxwayne ee uu lahaa.

Shaacinta uu Jamaal shaaciyay inuu ku biirey xisbiga KULMIYE ayaa kusoo beegmaysa kadib markii ay dhawaan gudoomiye ku xigeenkii saddexaaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Gurey iyo Xasan Sabca oo kamid ahaa garabkii uu hogaaminaayay jamaal ay fashiliyeen siro badan oo u dhaxeeyey isaga iyo Muuse Biixi kana dhawaajiyeen inuu Muuse Biixi ka codsaday inuu u tanaasulo,kuna taakeero hab beelaysan sidoo kalena uu siiyay qadar lacaga oo badan.

Dhanka kale xubno kamida garabkii uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen ayaa iyaguna sheegay inay ku biirayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uuna gabo gabo ku dhaw yahay wada hadal u socday labada dhinac.

Gabagabadiina bulshada Somaliland ayaa mudooyinkii u danbeeyeyba aad isu waydiinaysay halka uu ku danbeeyey hankii Jamaal Cali Xuseen lahaa ee ahaa inuu madaxwayne ka noqdo dalka Somaliland iyo sababaha ku kalifay inuu u tanaasulo Muuse Biixi Cabdi oo ah murashaxa xisbiga KULMIYE.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here