“Ninka ugu da’da weyni hadduu musharax yahay ma guddoominayo golaha”…

0
434

Hargaysa (Hargeisa Press): Siyaasi C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa fasiraad sharci ka bixiyay dariiqa loo marayo shir-guddoominta fadhiga koowaad ee gilaha Wakiiladda Somaliland ee cusub.

Waxaanu sheegay C/qaadir Jirde, in fadhigaasi uu shir-guddoomin doono xildhibaanka ugu da’da weyn golaha.

Balse haddii uu xildhibaanka ugu da’da weyni musharax u yahay kursiga guddoomiyaha golaha Wakiiladda in aanu isagu guddoomin doonin.

Geesta kale C/qaadir Jirde, waxa uu siyaasiyiinta iyo bulshadaba ugu baaqay in aan cunfi laga dhigin tartanka u dhexeeya xildhibaan Faratoon, iyo xildhibaan C/rasaaq Khaliif.

Waxaanu sheegay in labadooduba ay yihiin laba nin oo mudakar ah oo xilkaa qaban kara.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here