Nin U Dhashay Dalka Yemen Oo Maanta Ku Geeriyooday Hargeysa

0
850

Hargeysa, (HargeisaPress) —Nin u dhashay dalka yemen oo ka mid ahaa qaxootiga reer Yemen ee kasoo cararay colaadaha waddankooda ka socda, ayaa maanta ku geeridooday xafadda xera awr ee Degmadda Ibraahin koodbuur ee Magaaladda Hargeysa.

 

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu qabay Xanuunka Macaanka sida darted uu u geeriyooday, sida uu HargeisaPress.com u Xaqiijiyay mid ka mida ciidanka dabi baadhista oo wakhtiga aanu kula kulanay Guriga uu ku geeridooday Marxuunku.

 

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda ka hadal ninkan qoxootiga ah ee maanta Hargeysa ku geeridooday.

 

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa waxaa ku sugan qoxooti Yemeniyiin ah oo kasoo cararay colaadaha dalkooda Yemen, kuwaasoo isugu jira rag, haween, waayeel iyo caruur.

 

La soco wararka ka soo kordha…

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here