Muxuu Komishanka Doorashooyinku Kala Hadlay Ururrada Siyaasada?

0
1675

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga Komishanka doorashooyinka qaranka ee Somaliland, ayaa waxaa ay maanta kulan xaasaasi ah la qaateen masuuliyiinta ururrada siyaasadda qaarkood.

Kulanka oo ay warbaahintu dibad-joog ka ahayd, waxaa markii uu soo dhammaaday arrimaha lagaga wadahadlay faahfaahiyay qaar ka mid ah masuuliyiinta ururrada siyaasadda.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Mideeye Cismaan Badmaax oo ku hadlay afka xubnaha ururrada siyaasadda, ayaa sheegay in kulanka lagaga wada-hadlay arrimaha diiwaangelinta.

Waxaa aanay shacabka Somaliland u soo jeediyeen in ay ka qayb qaataan hawlaha diiwaan-gelinta cod bixiyeyaasha, taas oo hawsheedu marayso meel gabo-gabo ah.

Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa hore kulan ku saaabsan arrimaha diiwaan-gelinta codbixyeyaasha ula qaatay saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here