Xasan Sheekh oo La Kulmay Joe Biden

0
1391

Washington (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasibad ka qabsoontay Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa la kulmay Madaxweynaha dalkaas Joe Biden.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu la wadaagay madaxda iyo diblumaasiyiinta Mareykanka, xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa kale oo Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu la wadaagay dhiggiisa dalka Mareykanka, guulaha Soomaaliya ay ka gaadhay Al-shabaab.

War-saxafaadeedka waxa sidoo kale lagu sheegay, in madaxweynaha dalka Mareykanka uu bogaadiyey howlgallada Soomaaliya ee xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, isagoo ammaanay awoodda ciidamada Soomaaliya ay u leeyihiin cidhibtirka Al-shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa sidoo kale adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay dowladdiisa Mareykanka la garab taagan tahay Soomaaliya.

Waa kulankii labaad uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh la yeesho madaxweynaha Mareykanka, tan iyo markii bishii May ee sannadkan dib loogu doortay hoggaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here