Muuse Biixe oo Qodobeeyay Bisayl Siyaasadeed oo ay Dheeryihiin Mucaaridka

0
1410
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi

“Lixdii August  waxa bilaabmay ciyaartii golaha wakiillada koobkii la dhigay inkasta oo KULMIYE qaaday haddana wuu ku ceebaysnaa”


“KULMIYE dib ayuu tababar u galay, dabadeedna wuxuu galay ciyaartii labaad, waxaanuna ku badinay toban gool iyo eber”


“Saleebaan Cali Koore isaga oo is sharaxay ayaanu  joojinay waanu aqbalay waana karaamada ay leeyihiin siyaasiyiinta KULMIYE”

“KULMIYE wuxuu balan qaadayaa oo aynu nafta iyo maalkaba u huraynaa nabad-gelyada Somaliland in aanu cadaw soo hawaysan”

“Dhalinyarada waxaan u balan qaadaynaa in ay shaqo qaran galaan oo ragguna ciidanka galo, habluhuna ay dhakaatiirta ka shaqeeyaan”

By. Axmed M. Saleebaan

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyay waayo-aragnimo iyo bisayl siyaasadeed oo xisbigoodu dheeryahay xisbiyada mucaaridka ah, waxaanu sheegay in aanu jirin xisbi kale oo fagaaraha keeni kara bisaylka iyo dimuquradiyadda ka dhex jirta xisbiga KULMIYE.

Muuse Biixi waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay khayriyadda Boorame oo uu kula hadlayay kumaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo soo dhaweynayay weftigii madaxweyne ku xigeenka oo uu xubin ka ahaa, sidoo kalena waxa sharaxaad kooban ka bixiyay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE doonayo in lagu doorto, isaga oo ka xusay saddex qodob oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta iyo ictiraafka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooda gobolka Awdal, waxaanu yidhi “Waxaynu maanta halkan isugu nimi saddex arrimood oo saddexduba farxad yihiin, makra koobad waxaynu ku jirnaa ayaamihii barakaysnaa ee Ciidul Fidri, ILLAAHAY ha inoo dambi dhaafo, iidan iideedana ha inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo, marka labaad waxa maalinta berri ah jirta xafladdii qalinjabinta jaamacadda Camuud, oo labaatan sanno baarka ka jartay oo aan afartan sanno ka hor ka baxay, maanta waan ku faraxsanahay oo waa ciid kale oo waan soo dhawaynayaa ardayda ka baxaysa.”

Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray “Arrinta saddexaad ee farxadda leh ee aanu u soconaa waxa weeye, bishii August, lixdeedii, waxaa ka bilaabmay ciyaartii golaha wakiillada dhexdeeda, waxaana siidhiga loo tumay saddexda kooxood ee kala ah KULMYE, WADDANI iyo UCID, waxaa isku oo hadhay KULMIYE iyo WADDANI. Ciyaarta koobkii hore ee la dhigay inkasta oo KULMIYE qaaday haddana wuu ku ceebaysnaa, waayo way isku soo dhawaadeen, eedaana KULMIYE ayaa lahaa, dabadeenka xisbigu dib ayuu isu canaantay, taageerayaashiisa ayaa canaantay, idinka  ayaa yaabay, farriin canaan ah ayaanad soo dirteen, KULMIYE dib ayuu tababar u galay, labaatan cisho ayuu ku jiray tababar, dabadeedna wuxuu galay ciyaartii labaad, waxaanuna ku badinay toban gool iyo eber, koobkiina waanu sidnaa oo waa kan.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in guddoomiye ku xigeenka koobaa ee golaha wakiillada mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle uu xisbiga KULMIYE u doortay, in uu yahay ninka ugu da’da yar golaha, isla markaana xisbigu isaga oo tixgelinaya mustaqbalka dhalinyarada, uu go’aan saday in la sharaxo mudane Axmed Yaasiin, waxaanu yidhi “Mudane Axmed Yaasiin waxaanu u soo dhignay may ahayn waa reer Awdal oo kaliya, ee waxaanu u soo dhignay waa ninkii golaha ugu yaraa, mustaqbalka dhalinyarada ayaanu eegaynay, dad siyaasadda loo tababaro ayaanu eegaynay, waxaanu u dooranay oo kale taageerada aad u haysaan oo ah farriin, taana waanu qaadanay oo farriin Awdal ka timi ayay ahayd, waxa kale oo aanu u soo dhignay waxa weeye isaga oo ugu yar golaha ayuu haddana ugu codkarsan yahay, waxaanan filayaa in uu ugu caqli bato golaha.”

Muuse waxa uu xusay xubno door ah oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in ay qaateen go’aan geesinimo oo wax tar u ah qaranka jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka xusayaa, dhawr nin oo aan jecelahay in loogu sacabiyo waxa ay dalka iyo dadka u galeen, ka ugu horreeyaa waxa uu ahaa Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isaguna ka mid ah ragga golaha ugu da’da yar, oo Kulmiye ah oo isu sharaxay guddoomiyaha  golaha wakiillada, haddaanu nahay xisbiga KULMIYE waxaanu ku nidhi Saleebaan Cali Koore joog, Baashe ayaanu kaa hor marinaynaaye, wuu aqbalay oo wuu dhisay, maantana waa kaa xisbigiisi jooga, waa karaamada ay leeyihiin siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, isaga oo is sharaxay ayaanu joojinay, muu cadhoon, godob baa la iga galayna muu odhan, kii lala doortayna wuu dhisay, Ayaanlena waa kaa galbinaya.”

“Ninka labaad waxa weeye, wasiirkeeni hore ee arrimaha gudaha, Cali Maxamed Waran-cadde, isaga oo wasiir ah oo maamulaya hay’adda qaranka ugu sarraysa ayaanu ku nidhi anaga oo KULMIYE ah iyo Madaxweyaha ba ah, Caliyow jagadaa aad hayso  waad ka degaysaa oo Somaliland ayaa lagu midaynayaa oo waxaa la siinayaa reer Sool, wuxuu yidhi mar haddii Sool la siinayo raali baan ka ahay oo waan ku dhisayaa, waa kaa maantana shaqaynaya ee taagan, waa Cali Waran-cadde, qarannimada waxaa lagu dhisaa marka dantaada laguugu yimaado in aad aqbasho, in aad xisbigaaga iyo qarankaaga dhisto oo aanad odhan aniga ayaa la idiiday oo aanad dib u cararin oo aanad dadkana cudur galin, waana bisaylka xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga KULMIYE mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaas ku daray “Ninka saddexaadna waa Cabdicasiis Maxamed Samaale, madaxweyne ayuu igula tartmay, dagaal adag ayaa na dhex maray, waa la reebay, isaga oo taagan ayaa lagu yidhi ka hadh, wuu aqbalay, isaga oo madaxweyne laga qaaday waa kaa maanta haddana i dhisaya, waa kee xisbiga kale ee intaa in leeg fagaaraha keeni kara, waa kee xisbiga kale ee waayo-aragnimadaa leh. Waxaa ku xigay Axmed Kijaandhe, oo golaha dhexe ahaa oo isaguna madaxweyne u tartamay oo aniga ila tartamayay oo lagu yidhi hadh, oo aan maalin qudha cadhoon.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in xisbigiisu uu gaadhay bisayl siyaasadeed oo aanay lahayn xisbiyada mucaaridka ah, waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in xisbiga KULMIYE uu gaadhay bisayl siyaasadeed, in badan ayaad maqasheen xisbiga KULMIYE uu is haystaa, KULMIYE wuu doodaa, runta ayuu isu sheegaa, marka la go’aansado ee wax lagu heshiiyana gacmaha ayuu is qabsadaa, siyaasadda iyo dimuquraadiyada ayaa na faraysa sidaas, dhalinyaradan xisbiga taageersanna waxaan leeyahay waa in aad taa barataan oo marka dantaada laguu diido aanad ka tagin xisbiga, taas ayaana inoo ballan ah.”

Muuse waxa uu soo bandhigay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE uu doonayo in lagu doorto marka la gaadho doorashada madaxtooyada, waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE shanta sannadood ee soo socda muxuu inoo qabanayaa, muxuu inoo wadaa, barnaamijkiisi hore waxba ka sheegi maayo,waa sida cadceedaa, dadka ayaa ka markhaatiya, KULMIYE saddex arrimood oo tiirar ah ayuu qabsanayaa, marka koobaad KULMIYE wuxuu balan qaadayaa oo aynu nafta iyo maalkaba u huraynaa oo aynu u hawl-galaynaa nabad-gelyada Somaliland in aan cadaw soo hawaysan, mid gude iyo mid dibadeedba, oo qof kasta oo reer Somaliland ahi uu gurigiisa amaan ku helo, taas ayaynu u hawl galaynaa oo aynu codkeena ku bixinaynaa.’

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray “Qodobka labaad ee uu KULMIYE u hawl-galayaa waxa weeye waxa uu ka shaqaynayaa horumarka dalka, oo ay kow ka tahay in lala dagaalamo shaqo la’aanta, oo maxaynu kula dagaalamaynaa, dhalinyarada waxaanu u balan qaadaynaa in ay shaqo qaran galaan oo ragguna uu ciidanka galo, habluhuna ay dhakaatiirta iyo macalinnimada ka shaqeeyaan, oo aanay guriga dhex fadhiyin taas ayaa inoo balan ah. Qodobka saddexaad waxa weeye, todoba iyo labaatan sanno ayaynu ictiraaf raadinaynay, ma inaga ayaa khaldan oo aan garramayn, mise adduunyada ayaa inaga gardaran, dhaliisha inaga ayaa qaadanayna, waxaynu u tabaabushaysanaynaa in aynu caalamka u soo bandhigno gaar ahaan kuwa jaarka in aynu garteena caddaan ugu dhiibano, in aynu nahay qaran 27 sanno jiray, boqol iyo labaatan sannana uu isticmaarkii gumaysanayay, soddon sannadoodna afduub ku jiray aanay diyaar u ahayn, taas ayaana qodobka saddexaad ah, saddexdaa tiir ayaynu u hawl galaynaa. ”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here