Mid Kamid ah Tiirarkii Dhalinyarada Berbera Cabdikhaaliq Awal Bari Oo Ku Dhawaaqey In Uu Ku Biirayo Xisbiga Wadani

0
1283
Cabdikhaaliq Cabdiraxmaan Maxamed(Awal-bari)

Berbera, (HargeisaPress) —Cabdikhaaliq Cabdiraxmaan Maxamed(Awal-bari),oo ahaa Agaasimihii hore ee Maamulka Lacagta D/hoose ee Degmada Berbera ayaa ku dhawaaqey in uu go.aansadey in uu ku biirayo  Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani kadib markii uu aragtidiisa kaga rajo beelay Xisbi Xaakimka Kulmiye oo uu hore iga mid ahaa Taageerayaashiis Rukunada u ah Gobolka Saaxil.

Inkastoo laba Maalmood ee U Dambeeyay lagu baahinayey bar kulanka Bulshada ee Facebook hadana waxa uu go.aankiisan ku Biirista Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani sirasmi ah Warbaahinta maanta isagoo cadeeyay in uu hiil iyo hooba isla barbar taagi Doono Xisbigaasi isagoo geesta kalena xusey in markii hore ka mid ahaa Xubnihii Taageerayaasha Jamaal Cali Xuseen ee ugu adkaa Gobolka Saaxil New Ucid islamarkaana ku biirey Kulmiye haseyeeshee ku biiristaasi ku khasaarey wakhti Xaadirkana ka istaaqfuruleystey ku biiristaa ay lawadaageen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee Xisbi Xaakimka Kulmiye.

Cabdikhaalaq Awal Bari ayaa kamid ah tiirarka ugu mayalka adag dhalinyarada Magaalada Berbera iyo guud ahaanba Gobolka Saaxil.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here