Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Xawaaladdaha Soomaalida Ee Maraykanku Xidhay

0
779

Jamaal-cali-xuseenHargeysa, (HargeisaPress) — Musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay baankii ugu danbeeyay dalka Markaykanka ee ka joojiyay xawaaladihii Soomaalida lacagaha ay dhulka Soomaalida u soo diraan.
Sida oo kale waxa uu musharax Jamaal Cali Xuseen sheegay inuu ka baqo qabo in dalalka kale ee reer galbeekuna ay ku daydaan talaabooyinka ay qaadeen baniyad Maraykanku, isaga oo Soomaalida u soo jeediyay inay cududooda mideeyaan ayna dalalkaas ay joogaan ay ka qaataan liisamo ay bangiyo ku samaystaan.
Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa xilal sar sare ka soo qabtay bangiyada Maraykanka, waxaanu arintan kaga warmay wargaysi uu la yeeshay wargeyska Waaheen, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay yidhi “Arinkan xawaaladahu umado door ah ayuu soo socday oo baananku ay ka sii baxayeen kan hadana(Merchants Bank) waaba kuwii ugu danbeeyay ee baankii aan ka shayqan jiray waxaabu xawaaladaha xisaabaadkooda joojiyay 2003-dii, wax kalena arinku maaha ee tan iyo markii daarii dhaareeraa ee New York ay aragagixisadu soo weerartay Maraykanku baqo weyn ayuu ka qabay dunida aragagixisadeeda iyo fidideedaba, waxyaabaha ay baqaha ka sii qabeena waxa ka mid ah lacagaha ay isku diraan, kaantarool xoog leh ayay ku soo rogtay markaas baananka inay yaqaanaan macaamiishooda ay wax u dirayaan taas oo culayska saartay bangiyada, lacago meelo qaldan ku dhacayna waxay sababeen in la ganaaxo bangiyada lacag badan, baanankuna khatartii iyo faa’idadii ayay is barbar dhigeen,markay arkeen in khatartuna badan tahay faa’idadiina yar tahay oo hadana aanay lacagtii ku hakanayan akoonadii, markaas faa’idadii ayaa yar khatartiina waa ay ku badan tahay bangiga.”
Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Bangiyada khatartooda ayaa badan oo waa kuwo deg deg ku kici kara oo 2008 ilaa imika waxa Maraykanka ka kacay 800 oo bangi.runtii dadkii Soomaalida ahaa culays badan ayay ku keentay oo noloshooda ayaa ku xidhnayd, waxa laga doonayay Soomaalidu intay isku tagaan inay dadka dhex galaan oo way samaysan karayaane inay bangiyo samaystaan intay maskax,maal iyo muruqba isku darsadaan, waxaad moodaa inay mar walaba Soomaalidu meel kaale ku tiirsan yihiin, hada markaad doodaha aragto waxa ay Soomaalidii odhanayaan dawlad ayaanu u dacwoonaynaa baanankanina iyagaaba dawlad iska ah, oo mararka qaarkood ma dhagaystaan, oo hadii dawladu ay tidhaahdo qofkaas xisaabaad u fura taas macnaheedu maaha in laguu furaayo, markaas dhaawac weyn ayaa ku yimi ganacsigii xawaaladaha Maraykanka waliba waxaan uga baqo qabaa inay saamayn ku yeelato Yurub iyo meelaha kale maadaama oo uu Maraykanku yahay hogaamiyaha dhanka baananka.”
Jamaal waxa uu talo ku soo jeediyay “In laga sii tabaabushaysto oo dadku bangiyo ay leeyihiin samaystaan mooyaane way iska baaba’aysaa oo dadkana way ku adkaanaysaa inay lacago soo xawilaaan, waa in madax laysgaliyo sidii dadka meelahaas joogaa ay liisamo u qaadan lahaayeen oo baanan u samaysan lahaayeen falawgeed la qabtaa.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here