Muqdisho: Farmaajo oo Isu-bedelay Xildhibaan, Kana Badbaaday Mooshin

0
764

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, kadib kulan ay yeesheen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo, ayaa noqonaya xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya inta nolashiisa ka dhiman, sida uu qabo dastuurka Kumeel-gaadhka ee dowlada federaalka ah Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa kulanka hadheeyay dood ay keeneen xildhibaano uu ku jiro siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka soo horjeeday in la dhaariyo Farmaajo, isaga oo ku eedeeyay inuu xadgudub geystay muddadii uu xafiiska joogay ee uu ahaa madaxweynaha.

“Taariikhdan way hadhaysaa waxaan rabaa in hadda kuwa xukunka qabsaday falka uu sameeyey in aanu samayn oo qof idinka mid ah gurigiisa loogu dhicin,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal ka jeediyay kulanka Baaralamaanka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in xittaa uu ka waayay wax raalli-gein ah, maadaama inta badan xubnihii isaga la soo shaqeeyay ay bixiyeen garowshiyo, ayna u tegeen.

“Madaxweynihii hore Farmaajo kama hayo wixii dhacay mid dhaqameed iyo mid dowladeed. Dhammaan intii ku lug lahayd falkii la’igu soo weeraray way ii yimaadeen, waanay i raalli-geliyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Intaas kadib guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in cod la gelinayo wax ka beddelka ajendaha maanta, gaar ahaan dhaarinta Farmaajo, kadib markii ay mooshin ka keeneen 11 xildhibaan oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaannada, ayaa cod gacan-taag ah, kadib ogolaaday in la dhaariyo Farmaajo oo isla goobta loogu qabtay dhaarta, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan abadiyan ah.

Farmaajo waxaa ka horreeyay Xasan Sheekh Maxamuud oo isna sanadkii 2017-kii loo dhaariyay xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here