Xuska 30 Guurada Hay’adda HAVOYOCO oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
1549

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, lagu qabtay munnaasibad balaadhan oo loogu debaal-degayao Xuska 30 Guurada Hay’adda Waddaniga ah ee HAVOYOCO, taasi oo 30-kii sanadood ee u dambeeyay si joogto ah uga shaqaynaysey horumarinta Arrimaha Bulshada.

Xuskan oo loogu talo-galay in lagu soo bandhigo Waxqabadka Hay’adda ee 30-kii sanadood ee ay ka shaqaynaysay Gobollada iyo Degmooyinka dalka, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland, madax kale oo isgu jira wasiirro, xildhibaanno iyo madax-dhaqameed ka socda dowladdaha Itoobiya iyo Jabuuti, Maayirrada dalka Somaliland qaarkood, sida Maayirka Caasimadd Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, Maayirka  Burco Cabdirasaq Maxamed (Hiiroo), Safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan Ambasador. Allen C Lou, xubno ka mid ah Hal-doorka Bulshada Somaliland, sida Marwo Edna Aadan Ismaaciil, aasaaseyaasha Hay’adda HAVOYOCO, hawl-wadeenadeeda kala duwan iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Hay’adda Waddaniga ah ee HAVOYOCO oo ka shaqaysa Horumarinta adeegyada Bulshada, sida Waxbarista dadka ee xirfadaha kala duwan, sida Cunto-karinta, laydhka, dhar-tolista, samaynta Sariiraha (Farniture) isla-markaana muddada ay shaqaynaysay dalka ka fulisay Mashaariic tiro badan oo Muwaadiniin badan ka Faa’idaysteen, sida Ceelal-biyood oo ay qodday, dugsiyo Waxbarasho oo ay Gobollada dalka ka hirgelisay iyo arrimo kale oo bulshada saamayn ku yeeshay noloshooda dhaqan-dhaqaale.

Furitaanka Xuska 30 Guurada Aasaaska Hay’adda HAVOYOCO, ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay Agaasimaha Fullinta ee Hay’adda HAVOYOCO, isagoona si qoto dheer uga waramay qaabkii Hay’adda HAVOYOCO uu uga mid noqday, waxaanu yidhi,” Hay’adda HAVOYOCO waxaan ku soo biiray sannadkii 1997, waxaan ku jiray dugsiga hoose dhexe, waxan nasiib u helay in aan qayb ka noqdo mashruucii ugu caansanaa ee qalaamo-rogadka, waxa kale oo aan ka soo noday sarkaal mashruuc, imikana waxan ka ahay Agaasimaha Fullinta, halkaas ayuu hayaankaygu ka soo bilaabaymay.”.

La-taliyaha Madaxweynaha ee Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa tidhi ‘’HAVOYOCO waxa ay ka mid tahay hay’adaha sida weyn uga qayb qaatay dib u dhiska dalkeena Somaliland.”

Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, Wasiirro, Madax ka socotay Dawladda degaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo dowladda Jabuuti, Madax ka socotay Hay’adaha Waddaniga ah, kuwa Caalamiga ah iyo xubno kale oo muhiim ah oo halkaa ka hadlay, ayaa bogaadiyey dedaalka ay HAVOYOCO muddadaa 30-ka sanadood ah gelisay horumarinta arrimaha Bulshada Somaliland, kuwaasi oo illaa Maanta socda isla-markaan Hay’addu waddo.

Ugu dambeyntii waxaa munaasibada soo xidhay, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-saylici, waxaanu yidhi “Waxa aan ku faraxsanahay in aan HAVOYOCO kala qayb-qaadano xuska sannad guurada 30aad ee jiritaankooda. Waxa wax weyn ah in ay sannadkii ay Somaliland laba jirsatay  ay dhallinyaro is urursadaan, oo ay aasaaseen ururkan, kana soo qayb-qaataan dhismahii Qarankooda’’.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here